Monday, September 1, 2025

Soomaaliya iyo Afrikada dhexe oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa maanta kula kulmay magaalada New York, Zรฉnon Ngay Mukongo, Ergeyga Joogtada ee Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Koongo u qaabbilsan Qaramada Midoobey.

Labada masโ€™uul ayaa wada hadlay sare-u-qaadidda xiriirka labo dhinaclaha iyo iskaashiga u dhexeeya labada dal, iyo sidoo kale horumarka siyaasadeed iyo amni ee Afrikada dhexe.

Kulanka ayaa diiradda lagu saarray kor-u-qaadidda xiriirka dhaqaale, dhowridda midnimada dhuleed iyo qarannimo ee labada dal ee Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Koongo, iyadoo la isla soo hadal-qaaday muhiimadda ay leedahay in caqabadaha gobolka lagu xalliyo aragti Afrikaanku leeyihiin iyo xaqiijinta bedqabka iyo ammaanka ganacsatada Soomaaliyeed ee beec-mushtarka ku leh DRC, loona fududeeyo habraacyada, iyadoo la ilaalinayo naftooda iyo danahooda maaliyadeed.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 31/08/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Guddoomiye Muungaab oo 48-saac u qabtay inay ku dhammayso shirkada dhisaysa wadada Soobe ee Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Maxkamadda Ciidamada oo Xukun Dil ah ku Riday Ex Dable NISA Maxamed Buulle Muumin

Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta...

Madasha Samatabixinta: โ€œDoorashada uu Xasan Sheekh ka wado Banaadir waa sharci darro halis lehโ€

Warsaxaafadeed ka soo baxay madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa waxaa...

DFS oo ku dhawaaqday in la dhameystiray dhismaha DG Waqooyi Bari

Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaarada arrimaha gudaha ee Xukuumadda...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles