Saturday, November 15, 2025

Ciidamada Ghana oo rasaas oodda kaga qaaday dad macdan qodayaal ah

Ugu yaraan 7 qof ayaa ku dhintay iska horimaad dhex maray ciidamo ku sugnaa goob macdanta laga qodo oo ku taalla gobolka Ashanti ee bartamaha dalka Ghana, sida lagu sheegay war la soo saaray.

Ciidamada qalabka sida ee Ghana ayaa sheegay in ilaa 60 ka mid ah macdan qodayaasha sharci darrada ah, oo ku hubaysnaa waxyaabo ay ka mid yihiin “qoryo”, ay xoog ku galeen aagga macdanta oo ay maamusho shirkadda weyn ee caalamiga ah ee AngloGold Ashanti, iyagoo rasaas ku furay askarta goobta joogtay.

Arrintaan ayaa sababtay in askartu “ay iska difaacaan”, taasoo keentay dhimasho iyo dhaawac, ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka la soo saaray.

Wakiil ka socday macdan qodayaasha ayaa beeniyay in kooxda macdan qodayaasha ah ay hubaysnaayeen.

Ka dib markii uu soo baxay warka sheegaya dhimashada, waxaa mudaaharaadyo ka dhacay magaalada Obuasi oo dhowr bas lagu gubay.

Madaxweyne John Mahama ayaa amray in baaritaanno lagu sameeyo arrintan, isagoo sheegay in cid kasta oo lagu helo in ay si sharci darro ah ku dhaqaaqday sharciga la horgeyn doono.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 14 11 2025

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Bandhigga Todobaadka Nabadda oo lagu soo gabagabeeyay Gaalkacyo

Qaar kamid ah maamulka Dowlad Goboleedyada Galmudug iyo Puntland...

Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo loo doortay Guddoomiyaha golaha sharci dejinta Baarlamaanada EAC

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Mareykanka oo ku baaqay in la joojiyo hubka loo gudbinayo RSF

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, Marco Rubio, ayaa ku...

Booliska oo faah-faahin ka bixiyay dilkii Gaalkacyo loogu gaystay gabadh yar

Saacadihii la soo dhaafay waxaa magaalada Gaalkacyo ee gobolka...

Xamas oo si tartiib tartiib ah ula wareegaysa Qasa

Xamaas ayaa kordhinaysa la wareegidda maamulka Gaza oo muddooyiinkii...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles