Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka Qeyb-galaya Shirka Dhaqaalaha Aduunka Ee DAVOS

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku sugan magaalada Davos ee dalka Switzerland, halkaas oo uu kaga qeyb galayo Shirweynaha Dhaqaalaha Adduunka.

Madaxweynaha ayaa Shirka ka jeedindoona khudbad muhiim ah oo uu kaga hadlayo horumarka Soomaaliya, kobaca dhaqaalaha dalka iyo qorsheyaasha dowladda ee ku aaddan horumarka waara, iyada oo sare loo qaadayo iskaashiga ay Soomaaliya la leedahay dalalka muhiimka u ah horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.

Muddada Madaxweynaha Jamhuuriyaddu ku suganyahay magaalada Davos, waxa uu guddoomi doonaa abaalmarinta Hoggaaminta Madaxweynimo ee Afrika, (Africa Presidential Leadership Award) taasi oo ku mutay dadaalkiisa hoggaamineed ee u hiilinta nabadda, xasilloonida iyo horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shirar doceedyo la yeelan doona hoggaamiyeyaasha caalamka iyo daneeyeyaasha muhiimka ah ee Shirka ka qayb galaya, si loo xoojiyo iskaashiga caalamiga ah, loona dhiirrigeliyo maalgashiga Soomaaliya.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 08 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Kulanka Golaha Wasiirrada Xukuumadda oo looga hadlay xaaladda guud ee dalka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Ciidanka Lafta gareen oo la wareegay Qansaxdheere

Ciidamada Taabacsan Lafta Gareen ayaa maanta dib ula wareegay...

Al-Shabaab oo dad ku laayay Hiiraan iyo dagaal ka socda Tardo

Wararka laga helayo deegaanka Tardo ee gobolka Hiiraan ayaa...

Ammaanka Baydhabo oo la adkeeyay iyo diyaar-garowga shirka oo socda

Ammaanka magaalada Baydhabo ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoo...

Mareykanka oo xiray wiil Soomaali ah oo weerar ka fulin rabay Minnesota

Hay’adaha ammaanka Mareykanka ayaa xiray Sheikhdoon Cabdullaahi Maxamuud, oo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles