Friday, August 14, 2026

Ra’iisul wasaare ku xigeenka XFS oo kormeeray qaar ka mid ah wasaaradaha dalka

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta, Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada, iyo Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guryeynta.

Booqashadan ayaa ahayd mid qeyb ka ah hawlgal ballaaran oo Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenku ku marayay Wasaaradaha iyo Hay’adaha kale ee Dawladda, si uu ugu kuurgalo shaqada muhiimka ah ee hay’adaha dawladdu u hayaan shacabka Soomaaliyeed.

Intii uu kormeerka ku jiray, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa la kulmay masuuliyiinta sare ee wasaaradahaas, isagoo warbixinno ka dhageystay ku saabsan howlaha ay Wasaaraduhu ka wadaan dalka, caqabadaha jira, iyo qorshayaasha lagu horumarinayo adeegyada shacabka.

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka ayaa ku boorriyay hay’adaha dawladdu inay sii xoojiyaan isla xisaabtanka, daahfurnaanta, iyo hufnaanta shaqada, si loo hubiyo in adeegyada ay si toos ah u gaaraan shacabka. Wuxuu sidoo kale adkeeyay muhiimadda ay leedahay in qorshayaasha Wasaaraduhu ay waafaqaan Qorshaha Isbedelka Qaranka (NTP), si loo xaqiijiyo horumar waara iyo mid wadajir ah.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 13 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BFS oo shir guddoomiyay kulanka guddiga Joogtada

Kulanka Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya...

 DFS oo maanta saraakiil ciidan geysay Beledxaawo ee Gedo

Taliyaha Qeybta 43-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Korneyl...

Muwaadin Soomaali ah oo Britain lagu maxkamadeynayo

Mohamed Mohamoud, oo 22 jir ah, ayaa wajahaya maxkamad...

Ukraine oo Safiir cusub u soo magacowday Soomaaliya

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, ayaa la sheegay inuu Yurii...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku wajahan Dhuusamareeb

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku wajahan yahay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles