Monday, September 1, 2025

Raโ€™iisul wasaare ku xigeenka XFS oo kormeeray qaar ka mid ah wasaaradaha dalka

Raโ€™iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta, Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada, iyo Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guryeynta.

Booqashadan ayaa ahayd mid qeyb ka ah hawlgal ballaaran oo Raโ€™iisul Wasaare Ku Xigeenku ku marayay Wasaaradaha iyo Hayโ€™adaha kale ee Dawladda, si uu ugu kuurgalo shaqada muhiimka ah ee hayโ€™adaha dawladdu u hayaan shacabka Soomaaliyeed.

Intii uu kormeerka ku jiray, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa la kulmay masuuliyiinta sare ee wasaaradahaas, isagoo warbixinno ka dhageystay ku saabsan howlaha ay Wasaaraduhu ka wadaan dalka, caqabadaha jira, iyo qorshayaasha lagu horumarinayo adeegyada shacabka.

Raโ€™iisul Wasaare Ku Xigeenka ayaa ku boorriyay hayโ€™adaha dawladdu inay sii xoojiyaan isla xisaabtanka, daahfurnaanta, iyo hufnaanta shaqada, si loo hubiyo in adeegyada ay si toos ah u gaaraan shacabka. Wuxuu sidoo kale adkeeyay muhiimadda ay leedahay in qorshayaasha Wasaaraduhu ay waafaqaan Qorshaha Isbedelka Qaranka (NTP), si loo xaqiijiyo horumar waara iyo mid wadajir ah.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 31/08/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Guddoomiye Muungaab oo 48-saac u qabtay inay ku dhammayso shirkada dhisaysa wadada Soobe ee Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Maxkamadda Ciidamada oo Xukun Dil ah ku Riday Ex Dable NISA Maxamed Buulle Muumin

Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta...

Madasha Samatabixinta: โ€œDoorashada uu Xasan Sheekh ka wado Banaadir waa sharci darro halis lehโ€

Warsaxaafadeed ka soo baxay madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa waxaa...

DFS oo ku dhawaaqday in la dhameystiray dhismaha DG Waqooyi Bari

Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaarada arrimaha gudaha ee Xukuumadda...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles