Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegtay in hanjabaadaha madaxweyne Donald Trump ee Iran ay kordhiyeen markale walaaca ay qabaan saaxiibadiisa khaliijka.
Waxay ka walaacsan yihiin in uu bilowdo dagaal kale oo Washington go’aamisay kaas oo ka dhigaya saldhigyada milatariga Mareykanka ee gobolka in ay Iran bartilmaameedsato.
Sida laga soo xigtay Reuters, weeraradii Iran ay ku qaaday saldhigyada milatariga Mareykanka iyo xarumaha tamarta ee dalalka Khaliijka ayaa bannaanka keenay nuglaanta qaab-dhismeedka amniga tobanaan sano jirsaday ee Washington ku leedahay gobolka.
Walaacyadan ayaa ka mid ahaa mowduucyada ugu muhiimsan ee ay ka wada hadleen wasiirada iyo saraakiisha amniga ee isugu yimid shirkii sanadlaha ahaa ee, “Wadahadalka Manama,” ee lagu qabtay Baxrayn.
Donald Trump ayaa ku hanjabay in uu fulin doono “hawlgal yar” kaddib doorashooyinka dhexe ee Maraykanka
Afar sarkaal oo reer Yurub ah ayaa u sheegay Reuters in Mareykanku uu gobolka geeyay ciidamo iyo qalab milatari oo ku filan si ay u awood ugu helaan in ay ku weeraraan Iran waqti gaaban.
Wadamada Khaliijka oo ka baqaya aargoosiga Iran hadii uu dagaal qarxo
NAGU SOO BIIR


