Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa heshiis is-afgarad oo muhiim ah la saxiixday dhiggiisa, Guddoomiyaha Golaha Qaranka ee Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Dileita Mohamed Dileita.
Heshiiska is-afgaradka ah oo ay kala saxiixdeen Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo Guddoomiyaha Golaha Qaranka ee Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Dileita Mohamed Dileita ayaa ah mid lagu xaajinayo xiriirka walaaltinimo ee soo jireenka ah ee labada dal iyo iskaashiga labada Baarlamaan.
Heshiiskan is-afgaradka ah, ayaa diiradda saaraya horumarinta hannaanka sharci-dejinta, kobcinta aqoonta iyo xirfadaha, isweydaarsiga waayo-aragnimada, qabashada tababarrada, cilmi-baarista sharciyeed iyo casriyeynta hababka shaqo ee labada baarlamaan.
Sidoo kale, heshiiska ayaa waxa uu xoojinayaa wada-shaqaynta guddiyada joogtada ah, adeegsiga farsamada casriga ah, sugidda amniga xogta, dhismaha kooxaha saaxiibtinimada baarlamaannada labada wadan iyo isku-dubbaridka mowqifyada labada dhinac ee fagaarayaasha heer gobol iyo heer caalami.


