DFS oo Israa’iil ku eedeysay ku xadgudubka madaxbannaanida dalka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay tallaabooyinka ay Israa’iil ku sheegtay inay safiir u soo magacawday magaalada Hargeysa, isla markaana ay dhagax-dhigtay dhisme ay ku tilmaantay safaarad ku taalla dhulka Soomaaliyeed.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in tallaabooyinkaas, oo aan oggolaansho laga haysan Dowladda Federaalka, ay xadgudub ku yihiin madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Wasaaraddu waxay sheegtay in Hargeysa iyo gobolka Waqooyi Galbeed ay weli yihiin qaybo aan ka go’i karin Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo tilmaantay in aasaasidda xiriir diblomaasiyadeed iyo furashada xarumo safaaradeed ay u baahan yihiin oggolaanshaha dowladda leh madaxbannaanida dalka, sida uu dhigayo Heshiiska Vienna ee Xiriirka Diblomaasiyadeed.

Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegtay inaysan jirin tallaabo hal dhinac ah oo wax ka beddeli karta maqaamka sharci ee dhulka Soomaaliyeed, iyadoo tallaabooyinka Israa’iil ku tilmaantay kuwo aan wax saameyn sharci ah lahayn.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu xusay in tallaabooyinkan ay daba socdaan aqoonsigii ay Israa’iil ku dhawaaqday bishii Diseembar 2025, kaas oo ay hore uga horyimaadeen Midowga Afrika, IGAD, Jaamacadda Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamka.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa intaas ku dartay in tallaabooyinka dhiirrigelinaya kala qaybsanaanta Soomaaliya ay halis u yihiin inay sii kordhiyaan xiisadaha amni ee ka jira gobolka Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Ugu dambeyn, Dowladda Federaalka ayaa Israa’iil ugu baaqday inay si degdeg ah uga laabato tallaabooyinkaas, iyadoo beesha caalamka ugu baaqday inaysan sharciyad siin, waxayna sheegtay inay adeegsan karto dhammaan tallaabooyinka diblomaasiyadeed, siyaasadeed iyo sharci ee ay u aragto inay ku difaaceyso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

WARARKII KALE

Maraakiib dagaal oo Turkiga leeyahay oo galbinaya markab kalluumeysi oo ku soo wajahan Soomaaliya

Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga ayaa sheegtay in maraakiibta dagaalka ee...

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay arrimaha difaaca iyo amniga

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

MW Xasan Sheekh oo warqadaha aqoonsinimo ka guddoomay Safiirka Cuman

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Aqalka Madaxtooyada...

Wafdi uu hoggaaminayo taliyaha ciidanka dhulka oo gaaray Dhuusamareeb

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Guuto Sahal...

Golaha Ammaanka QM oo kulan xasaasi ah ka yeelanaya Soomaaliya

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa bishan Nofeembar kulan...

Axmed Madoobe oo ku wajahan Garoowe maxaa uu kala hadlayaa Deni?

Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Madoobe), ayaa la filayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles