Trump oo qiray in dagaalka Iran uu saameyn ku yeeshay doorashooyinka mudada dhexe ee Mareykanka

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa qiray in qiimaha shidaalka oo sare u kacay uu door ka ciyaaray guuldarrooyinka xisbiga Jamhuuriga ka soo gaaray doorashooyinkii dhexe.

Trump oo wax yar ka hor la hadlayay telefishinka fox news ayaa sidoo kale ka hadlay wararka sheegaya in Mareykanku qorsheynayo inuu weeraro qaybo ka mid ah dalka Iran.

“Waa inaan qaadnaa tallaabo weyn,” ayuu u sheegay Fox News, isaga oo intaas ku daray in tallaabadaasi ay noqon karto “weerar culus”. 

“Marna ma oggolaan doonno inay helaan hub nukliyeer ah,” ayuu yiri madaxweynaha Mareykanka.

Trump ayaa sidoo kale qiray in qiimaha shidaalka uu dhibaato ku noqday xisbiga Jamhuuriga intii ay socdeen doorashooyinkii dhexe, isaga oo sheegay in dadku aysan ku faraxsanayn marka ay khasab ku noqotay inay shidaalka lacag dheeraad ah ku iibsadaan.

Trump ayaa hadalkiisa uu ka jeedinayay telefishinka Fox News ku soo gabagabeeyay isaga oo sheegay inuusan natiijooyinka doorashada u arkin “dhirbaaxo ku dhacday” madaxweynenimadiisa, inkasta oo la saadaalinayo in xisbigiisa uu lumin doono labada aqal ee Congress-ka Mareykanka.

Wuxuu sheegay in Dimuqraadiyiintu ay muddo sannado badan ku taamayeen inay gaaraan guul weyn oo noocan ah, isla markaana ay ugu dambeyn ku guuleysteen.

Trump ayaa hambalyo u diray Dimuqraadiyiinta, isaga oo sheegay inay “shaqo wanaagsan qabteen”.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 04 11 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maraakiib dagaal oo Turkiga leeyahay oo galbinaya markab kalluumeysi oo ku soo wajahan Soomaaliya

Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga ayaa sheegtay in maraakiibta dagaalka ee...

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay arrimaha difaaca iyo amniga

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

MW Xasan Sheekh oo warqadaha aqoonsinimo ka guddoomay Safiirka Cuman

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Aqalka Madaxtooyada...

Wafdi uu hoggaaminayo taliyaha ciidanka dhulka oo gaaray Dhuusamareeb

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Guuto Sahal...

Golaha Ammaanka QM oo kulan xasaasi ah ka yeelanaya Soomaaliya

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa bishan Nofeembar kulan...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles