Iiraan oo ka digtay saameynta dhaqaale ee dagaal cusub oo ay la gasho Mareykanka iyo Israa’iil

Mas’uulka ugu sarreeya hay’adda Difaaca Dadban ee Iiraan, Jeneraal Gholamreza Jalali, ayaa ku baaqay in la diyaariyo qorshe dhammaystiran oo lagu maareynayo dhaqaalaha dalka xilliyada xaaladaha degdegga ah, iyadoo ay sii kordhayaan walaaca laga qabo in Mareykanka iyo Israa’iil ay dib u bilaabaan tallaabooyin militari oo ka dhan ah Iiraan.

Jeneraal Jalali, oo hoggaamiya Hay’adda Difaaca Dadban ee Iiraan, ayaa sheegay in dhaqaalaha dalku yahay mid ka mid ah meelaha ugu nugul khataraha soo wajihi kara, loona baahan yahay hannaan isku-dubaridan oo lagu maareeyo xaaladaha qalalaasaha.

Sida ay baahisay wakaaladda wararka ee Fars, Jalali ayaa tilmaamay in mudnaanta koowaad ay tahay xaqiijinta baahiyaha aasaasiga ah ee shacabka, sii wadidda wax-soo-saarka dalka iyo ilaalinta shaqooyinka.

Waxa uu sidoo kale ku baaqay in si hufan loo maareeyo kheyraadka iyo awoodaha dhaqaale ee dalka, si loo ilaaliyo xasilloonida dhaqaalaha haddii ay dhacaan xaalado degdeg ah.

WARARKII KALE

MW Xasan Sheekh “Qof siyaasad u xiran maanta ma jiro, qofkii dacwad qaba waxaa inoo jira garsoor”

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xalay khudbad uu...

Uganda oo ciidamadeeda kala baxayso Soomaaliya, Gaza-na u weecinaysa

Taliyaha guud ee ciidamada Uganda (UPDF), Jeneraal Muhoozi Kainerugaba,...

Mareykanka iyo Ciraaq oo ka wada hadlay dejinta xiisadaha ka taagan gobolka

Danjiraha Mareykanka u fadhiya Turkiga, ahna ergeyga gaarka ah...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 05 11 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Hogaamiyaha hirshabelle  oo ka qeyb galay munasabda caleema saarka hogaamiyaha galmudug

Hoggaamiyaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe)...

Madaxweyne xasan sheekh oo ka qeyb galay munasabda caleema saarka hogaamiyaha galmudug

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles