Madaxweynaha hirshabelle oo gudomiyay shirka golaha Wasiirada

Madaxweynaha Dowlada Hirshabeelle Mudane Ali Gudlawe Hussein oo maanta Shir-gudoomiyay Kulanka Golaha Wasiirada Dowladda Hirshabeelle ayaa looga hadlay arrimaha amniga iyo xasilinta deegaanada Hirshabeelle, Xoojinta Howlgallada kooxda al shabaab looga xoreynayo deegaanada Hirshabeelle, iyo dhameystirka dhismaha gole-yaasha deegaanka.

Wasiirka Amniga Gudaha ayaa Golaha Xukuumadda uga warbixiyay xaaladaha guud ee amniga deegaanada Hirshabeelle, sare u qaadista tababarrada iyo tayeeynta qeybaha kala duwan ee ciidamada sida booliiska iyo daraawishta.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ayaa Golaha u faahfaahiyay halka ay mareyso hanaanka maamul daadejinta iyo qorshaha Wasaaradda uga degansan dhameystirka Goleyaasha deegaanka si bulshadu u doorato hogaanka maamulkooda.

Kulanka ayaa lagu soo bandhigay guulaha laga gaaray barnaamijka xasilinta oo lagu hormarinayo deegaannada iyo degmooyinka Hirshabeelle oo sanadkii hore ay ka fuleen mashaariicyo horumarineed oo muhiim u ah bulshadeenna.

Shirka Golaha Xukuumadda Dowladda Hirshabeelle waxaa maanta kasoo qeybgalay Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Cali Yuusuf Cali (Cali Xoosh) oo Madaxweyne Cali Guudlaawe iyo Xukuumadiisa ku bogaadiyay sida ay u xoreysteen inta badan deegaannada Hirshabeelle sidoo kalana ay deegaannada u gaarsiiyeen mashaariicda horumarinta ee waxtarka u leh deegaanada.

WARARKII KALE

Kulanka Golaha Shacabka oo kooram la’aan u baaqday

Kulankii maanta ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya...

Guddoomiyaha Doolow“Aniga kama qayb qaadanayo xasaradda Gedo”

Guddoomiyaha degmada Doolow lafey ayaa sheegay inuusan ka qayb...

Badmaax u dhashay Indonesia oo dalkooda ku laabtay

Afar badmaax oo u dhashay Indonesia ayaa maanta dib...

Itoobiya oo MW Xasan Sheekh ku eedeysay “khiyaano”

Wakaaladda Wararka Itoobiya ee ENA ayaa maqaal dheer oo...

Diyaar garowga Shirka 2-aad ee Guddiga Wadajirka Joogtada ah ee Dowladaha Soomaaliya iyo Uganda oo ka socda Muqdisho

Dowladda Soomaaliya ayaa Dardar gelinaysa Diyaargarowga Shirka 2-aad ee...

Xuutiyiinta oo weerarro ku beegsaday garoomo diyaaradeed oo Sacuudiga ku yaalla

Isbahaysiga uu Sacuudigu hoggaamiyo ayaa sheegay inuu qabtay oo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles