Wednesday, July 30, 2025

Madaxweynaha hirshabelle oo gudomiyay shirka golaha Wasiirada

Madaxweynaha Dowlada Hirshabeelle Mudane Ali Gudlawe Hussein oo maanta Shir-gudoomiyay Kulanka Golaha Wasiirada Dowladda Hirshabeelle ayaa looga hadlay arrimaha amniga iyo xasilinta deegaanada Hirshabeelle, Xoojinta Howlgallada kooxda al shabaab looga xoreynayo deegaanada Hirshabeelle, iyo dhameystirka dhismaha gole-yaasha deegaanka.

Wasiirka Amniga Gudaha ayaa Golaha Xukuumadda uga warbixiyay xaaladaha guud ee amniga deegaanada Hirshabeelle, sare u qaadista tababarrada iyo tayeeynta qeybaha kala duwan ee ciidamada sida booliiska iyo daraawishta.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ayaa Golaha u faahfaahiyay halka ay mareyso hanaanka maamul daadejinta iyo qorshaha Wasaaradda uga degansan dhameystirka Goleyaasha deegaanka si bulshadu u doorato hogaanka maamulkooda.

Kulanka ayaa lagu soo bandhigay guulaha laga gaaray barnaamijka xasilinta oo lagu hormarinayo deegaannada iyo degmooyinka Hirshabeelle oo sanadkii hore ay ka fuleen mashaariicyo horumarineed oo muhiim u ah bulshadeenna.

Shirka Golaha Xukuumadda Dowladda Hirshabeelle waxaa maanta kasoo qeybgalay Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Cali Yuusuf Cali (Cali Xoosh) oo Madaxweyne Cali Guudlaawe iyo Xukuumadiisa ku bogaadiyay sida ay u xoreysteen inta badan deegaannada Hirshabeelle sidoo kalana ay deegaannada u gaarsiiyeen mashaariicda horumarinta ee waxtarka u leh deegaanada.

WARARKII KALE

Soomaaliya iyo Jabuuti oo kala saxiixday heshiis lagu kordhinayo Ciidamada Jabuuti

War Saxaafadeed, Saxiixa Heshiiska Xaaladda Ciidamada (SoFA) ee u...

Ra’isul Wasaare Xamse oo qaabilay Al Hadji Ibraahima Diene iyo wafdi la socday

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Xuddur

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Netanyahu oo si weyn uga carooday hadalkii kasoo yeeray Dowladda Ingiriiska

Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska, Keir Starmer, ayaa sheegay in Ingiriisku...

Dagaal markale ka qarxay Beledxaawo

Wararka ka imaanaya magaalada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo...

Qoysas hor leh oo ka barakacay dagaalka Beledxaawo oo gaaray Magaalada Mandheere

Warbaahinta deegaanka Mandheera ayaa baahisay in saacadihii la soo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles