Tuesday, February 10, 2026

Hay’adda socdaalka iyo INTERPOL oo kala saxiixday heshiis wada shaqeyn

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya iyo Booliska Caalamiga ah ee (Interpol) ayaa maanta kala saxiixday heshiis iskaashi oo muhiim ah. heshiiskan ayaa waxa uu diiradda saari doonaa dhowr arrimood oo muhiim ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin:

𝟭. 𝗞𝗮-𝗵𝗼𝗿𝘁𝗮𝗴𝗴𝗮 𝗗𝗮𝗺𝗯𝗶𝘆𝗮𝗱𝗮 𝗔𝗯𝗮𝗮𝗯𝘂𝗹𝗮𝗻.
𝟮. 𝗞𝗼𝗿 𝘂 𝗤𝗮𝗮𝗱𝗶𝗱𝗱𝗮 𝗔𝗺𝗻𝗶𝗴𝗮 𝗦𝗼𝗰𝗱𝗮𝗮𝗹𝗸𝗮
𝟯. 𝗫𝗶𝗿𝗶𝗶𝗿𝗸𝗮 & 𝗜𝘀𝗸𝗮𝗮𝘀𝗵𝗶𝗴𝗮 𝗛𝗦𝗝 & 𝗕𝗼𝗼𝗹𝗶𝘀𝗸𝗮 𝗖𝗮𝗮𝗹𝗮𝗺𝗶𝗴𝗮 𝗮𝗵.
𝟰. 𝗦𝗮𝗿𝗲 𝘂 𝗾𝗮𝗮𝗱𝗶𝗱𝗱𝗮 𝘅𝗶𝗿𝗳𝗮𝗱𝗮𝗵𝗮 𝗔𝗺𝗻𝗶 𝗲𝗲 𝗦𝗮𝗿𝗮𝗮𝗸𝗶𝗶𝘀𝗵𝗮 𝗛𝗦𝗝.
𝟱. 𝗕𝗮𝗮𝗱𝗶𝗴𝗼𝗼𝗯𝗸𝗮 𝗗𝗮𝗱𝗸𝗮 𝗟𝘂𝗺𝗮𝘆.

Taliyaha Hoggaanka Booliska Caalamiga ah ee Soomaaliya, Jeneraal Dhoore, oo munaasabadda ka hadlay ayaa ugu horeyn ku ammaanay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka, Mudane Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow, mudada kooban ee uu joogo hey’adda. sida uu uga mira dhaliyay dhaqangalka heshiiskaan oo muhiim u ah HSJ, dhanka kale waxa uu Taliyuhu u mahaceliyay Gudigii ka socday dhanka Hey’adda Socdaalka & Jinsiyadda ee sida hagar la’aanta ah kala soo shaqeeyay heshiiskan.

Agaasimaha Guud, Mudane Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow, ayaa dhankiisa u mahadceliyay guddiga HSJ iyo Booliska Caalamiga ah (Interpol), gaar ahaan hogaankooda Soomaaliya, isaga oo ku tilmaamay heshiiskan mid muhiimad gaar ah u leh xoojinta dadaallada la-dagaallanka xagjirka iyo ka hortagga dambiyada socdaalka ee Soomaaliya, tan gobolka, iyo guud ahaan Caalamka.

Ugu dambeyn, Agaasimaha Guud Mudane Mustafa Duhulow ayaa wafdiga Interpol booqasho ku geeyay Xafiiska Ka-hortagga Dambiyada Socdaalka, Fraud Detection Unit (FDU) ee Hey’adda Socdaalka & Jinsiyadda, halkaas oo ay warbixin kooban kaga dhageysteen saraakiisha ka howlgala xafiiskaan.

Saraakiisha Xaafiiskan {FDU} ayaa Agaasimaha iyo xubnaha ka socday Interpol la wadaagay qalabka {Forensic Science} ah oo ah qalab casriya oo loogu tala galay inay Saraakiishu uga hortagaan Dembiyada abaabulaan sida: Dukumintiyo wax laga bedelay, kuwa been abuurka ah, & kala saarista document-yada loo isticmaalo hababka isku ekaanshaha.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 10 02 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Deni oo isagoo wata ciidamo cusub ka soo degay Muqdisho

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta...

Axmed Madoobe oo ka soo degay Muqdisho, isagoo wata ciidan hubeysan

Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa...

NISA oo xog ka bixisay Maxamed Sahal Iidle horjooge sare AS ee la dilay

War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska NISA...

Diyaarad ku dhacday garoonka Muqdisho

Diyaarad kuwa rayidka ah ayaa waxaa ay ku dhacday...

Maxkamadda Ciidamada oo dil toogasho ku fulisay laba nin oo lagu helay dilka afar muwaadin

Waxaa dil toogasho lagu fuliyay Cabdi Cabdulqaadir Maxamed (oo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles