Ra’iisul Wasaare Xamsa oo tacsi ugu tagey qoyska Alle ha-u-naxariistee Ugaas Cabdi-Daahir

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo tacsi ugu tagey qoyska Alle ha-u-naxariistee Ugaas Cabdi-Daahir Ugaas Nuur oo dhawaan ku geeriyooday magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in Ugaasku uu kaalin weyn ka soo qaatay nabaddeynta iyo dowlad-dhiska Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlayey madasha ay taallo gogosha tacsida, ayaa sheegay in Ugaas Cabdi-Daahir uu ku suntaa dal jacayl iyo sidii ay ummadda Soomaaliyeed dib uga soo kaban lahayd burburkii gaaray.

“Ugaas Cabdi-Daahir Ugaas Nuur, waxa uu kamid ahaa dhaqankii bud-dhigga u ahaa dowlad-dhiska Soomaaliya iyo sidii ay ummadda Soomaaliyeed mar kale u heli lahayd Qaran xooggan, waxaan rajeynayaa in aad ku socon doontaan jidkii wanaagsanaa ee uu jeexay ugaasku.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo la hadlayey qoyska Marxuumka uu ka baxay.

Mudane Xamsa, ayaa marxuumka Alle uga baryey in uu ka waraabiyo naxariistiisa Janno, ehelka iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles