Soomaaliya iyo Tanzania oo saddex heshiis kala saxiixday

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallim Fiqi, ayaa maanta magaalada Daarusalaam ee dalka Tanzania kula saxiixday seddex heshiis Wasiirka Warfaafinta, Hiddaha, Dhaqanka iyo Cayaaraha ee dalka Tanzania, Hon. Prof. Palamagamba John Aidan Mwaluko, iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha dalkaasi, Hon. Innocent Lugha Bashungwa.

Heshiisyada saxiixa lagu duugay ayaa kala ahaa iskaashiga bedqabka iyo nabad-gelyada, is-dhaafsiga maxaabiista xukuman iyo Is-afgarad ku saabsan iskaashiga dhinaca horumarinta afafka Sawaaxiliga iyo dhaqanka.

Munaasabadani ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Biyaha iyo Tamarta, Xildhibaan Cabdullaahi Bidhaan, Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Tanzania, Danjire Ilyaas Cali Xasan iyo Agaasime ku xigeenka madaxtooyada (Villa Somalia), Mudane Maxamed Amiin Cismaan.

Heshiisyadani ayaa xoojinaya xiriirka laba geesoodka ee labada dal u dhexeeya, gaar ahaan isdhaafsiga maxaabiista ayadoo muwaadiniin Soomaaliyeed ay ku jiraan xabsiyada dalka Tanzania, kuwaasoo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya qorshaynayso in ay la soo wareegto, dibna dalka hooyo ugu soo celiso.

Waxaa xusid mudan in Af Sawaaxiliga oo ka mid ah afafka rasmiga ah ee Urur goboleedka dhaqaalaha Bulshada Bariga Afrika (EAC) oo Soomaaliya ay xubin ka tahay, kuna hadlaan inta badan dowladaha ku habaysan ururkaasi ayaa la isla gartay horumarinteeda.

Waxay ahayd 19 December, 2024 markii caasimadda Muqdisho labada dal wasiirro kala matalayey ay kala saxiixdeen afar heshiis oo muhiim ah oo isugu jirey; iskaashiga siyaasadeed ee labada dal, Gaashaandhigga, Caafimaadka iyo Dalxiiska.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles