Soomaaliya iyo Tanzania oo saddex heshiis kala saxiixday

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallim Fiqi, ayaa maanta magaalada Daarusalaam ee dalka Tanzania kula saxiixday seddex heshiis Wasiirka Warfaafinta, Hiddaha, Dhaqanka iyo Cayaaraha ee dalka Tanzania, Hon. Prof. Palamagamba John Aidan Mwaluko, iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha dalkaasi, Hon. Innocent Lugha Bashungwa.

Heshiisyada saxiixa lagu duugay ayaa kala ahaa iskaashiga bedqabka iyo nabad-gelyada, is-dhaafsiga maxaabiista xukuman iyo Is-afgarad ku saabsan iskaashiga dhinaca horumarinta afafka Sawaaxiliga iyo dhaqanka.

Munaasabadani ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Biyaha iyo Tamarta, Xildhibaan Cabdullaahi Bidhaan, Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Tanzania, Danjire Ilyaas Cali Xasan iyo Agaasime ku xigeenka madaxtooyada (Villa Somalia), Mudane Maxamed Amiin Cismaan.

Heshiisyadani ayaa xoojinaya xiriirka laba geesoodka ee labada dal u dhexeeya, gaar ahaan isdhaafsiga maxaabiista ayadoo muwaadiniin Soomaaliyeed ay ku jiraan xabsiyada dalka Tanzania, kuwaasoo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya qorshaynayso in ay la soo wareegto, dibna dalka hooyo ugu soo celiso.

Waxaa xusid mudan in Af Sawaaxiliga oo ka mid ah afafka rasmiga ah ee Urur goboleedka dhaqaalaha Bulshada Bariga Afrika (EAC) oo Soomaaliya ay xubin ka tahay, kuna hadlaan inta badan dowladaha ku habaysan ururkaasi ayaa la isla gartay horumarinteeda.

Waxay ahayd 19 December, 2024 markii caasimadda Muqdisho labada dal wasiirro kala matalayey ay kala saxiixdeen afar heshiis oo muhiim ah oo isugu jirey; iskaashiga siyaasadeed ee labada dal, Gaashaandhigga, Caafimaadka iyo Dalxiiska.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles