Wednesday, January 28, 2026

Gudoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka oo qaabilay wafdi ka socda dalka Masar

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka, Mudane Baashe Yuusuf Axmed, ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay wafti sare oo ka socday Wasaaradda Caddaaladda iyo Garsoorka Masar, iyagoo ka wada hadlay sidii ay labada dal iskaashi uga yeelan lahaayeen dhinacyada tababarada,isdhaafsiga khibradaha iyo hannaanka casriyeynta garsoorka.

Kulanka ayaa waxaa ku wehliyay guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka gobolka Banaadir, guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Hey’adaha Garsoorka dalka.

Guddoomiye Baashe, ayaa tilmaamay in Soomaaliya iyo Masar uu ka dhaxeeyo xidhiidh qotodheer iyo iskaashi soo jireena ah, sidaa awgeed ay ka go’antahay sidii ay iskaga-kaashan lahaayeen horumarinta iyo nidaamka danabaysan ee garsoorka labada dhinac, iyadoo si joogto ah isku dhaafsan doonno tababarada iyo khibradaha.

Dhankooda Saraakiisha Hay’adaha Garsoorka Masar ka socday, ayaa ka mahadnaqay soo dhawaynta qiimaha badan ee loo sameeyey intii ay dalka ku sugnaayeen, iyagoo qiray in hay’adaha garsoorka Soomaaliya ay sameeyeen horumar la taaban karo, islamarkaana ay dhankooda diyaar u yihiin in si dhaw laba dhinac uga wada shaqeeyaan horumarinta iyo casriyeynta caddaaladda iyo garsoorka labada dal.

WARARKII KALE

Trump oo shaaciyay in ciidan badan uu u diray Iran

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donland Trump ayaa bartiisa Truth Social...

RW Xamsa oo kulan la qaatay wafdi sare oo ka socda Midowga Yurub

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa...

Fadhigii BFS oo Buuq ku soo xirmay iyo Mucaaradka oo ka hortagay qorshaha Dastuurka

Fadhigii wadajirka ahaa ee labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka...

Buuq iyo sawaxan ka taagan Xarunta Golaha Shacabka

Waxaa maanta buuq iyo sawaxan xooggan uu ka taagan...

Jubbaland iyo Puntland oo ka Horyimid wax ka beddelka Dastuurka Federaalka

Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Dowlad-goboleedka Jubaland ayaa...

Trump oo markii ugu horeysay muujiyay in la dejinayo xiisadda Minnesota

Madaxweynaha Donald Trump ayaa sheegay in maamulkiisu uu “yarayn...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles