Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo ku dhawaaqi doona canshuur kordhin 25% ah

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Axaddii shalay sheegay, in Isniinta maanta ah uu ku dhawaaqi doono canshuur kordhin gaareysa 25%, taas oo uu dul saari doono biraha iyo jaandiga loo soo dhoofiyo Mareykanka.

Trump oo saxafiyiinta kula hadlayay diyaaradda ay raacaan madaxweynayaasha Mareykanka ee Air Force One, ayaa sidoo kale sheegay in uu ku dhawaaqi doono canshuuraha isdhaafsiga ah Talaadada ama Arbacada, si ay u dhaqan galaan ku dhawaad isla markiiba.

Trump, ayaa muddo xileedkiisii koowaad sidaan oo kale boqolkiiba 25 oo canshuur ah saaray biraha halka 10% u uku kordhiyay tacriifta jaandiga ama aluuminiyamta, hase yeeshee marki danbe ka khafiifiyay biraha iyo aluminiyamta ay soo dhoofiyaan Canada, Mexico iyo Brazil.

Trump ayaa Jimcihi ku dhawaaqay in uu sare u qaadi doono canshuurta is dhaafsiga, taas oo kor u qaadi doonto xaddiga tacriifta Mareykanka si ay ula simmaan dhinacyada ay ganacsatada Mareykanka wax is weydaartaan. Todobaadkan ayaa la filayaa in taasi ay billaabato.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 12 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

labo macallin oo lagu toogtay iskuul ku yaal Faransiiska

Arday ayaa la xiray kaddib markii maamule iyo macallin...

Baaritaan laga fuliyay guriga Ilhan Omar maxaa loo haystaa

Saraakiisha socdaalka ee Maraykanka ayaa baaritaan ka fuliyey guriga...

 MW Xasan Sheekh oo ka qeyb galay xuska maalinta Calanka

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay...

Somaliland oo Itoobiya u bandhigtay isticmaalka dekedda Berbera iyo marin-badeedkeeda

Maamulka Somaliland ayaa mar kale muujiyey sida uu diyaarka...

12-ka Oktoobar: Taariikhda Calanka Soomaaliyeed iyo halgankii ka dambeeyay

Maanta oo kale, 12-ka Oktoobar, Soomaaliya waxay xustaa maalinta...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles