Puntland oo shgeegtay inay Madaafiic ku garaacday fariisimo Daacish ku sugnayd

Wararka ka imaanaya gobolka Bari ee Puntland ayaa sheegaya in xalay uu dagaal culus dhex maray ciidamada difaaca Puntland iyo dagaalyahanno ka tirsan kooxda Daacish, kaasi oo ka dhacay deegaano istiraatiiji ah oo ku yaalla dhulka buuraleyda ah.

Sida ay ilo wareedyo kala duwan xaqiijiyeen, ciidamada ammaanka Puntland ayaa fuliyay duqeymo xooggan oo lagu bartilmaameedsaday fariisimaha Daacish, iyagoo si gaar ah u beegsaday goobaha ay kooxdaasi ku dhuumaaleysaneysay.

Ciidamada ku sugan deegaanka Haraaryo ee togga Jeceel ayaa la sheegay inay madaafiic culus ku garaaceen xarumo ay Daacish ku lahayd nawaaxiga Qurac, halkaas oo ay horay ugu xoogeysteen xubnaha kooxdaasi.

Duqeymaha ayaa sababay in dagaalyahannada Daacish ay isaga baxaan goobihii ay horay ugu sugnaayeen, iyagoo ku firxaday dhulka buuraleyda ah. Wararka hordhaca ah ayaa muujinaya in khasaaro lixaad leh uu gaaray Daacish, inkasta oo aan si rasmi ah loo xaqiijin tirada dhimashada iyo dhaawaca ka dhashay weerarka.

Ciidamada Puntland ayaa saaka bilaabay baaritaanno miino-baaris ah, si loo xaqiijiyo in goobaha la qabsaday aysan weli halis ku jirin. Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in dagaalku uu yahay mid qayb ka ah howlgal ballaaran oo lagu bartilmaameedsanayo Daacish si looga xoreeyo deegaannada ay ku sugan yihiin.

Puntland ayaa ku jirta marxalad adag oo dagaalka ka dhanka ah Daacish uu galay wajigiisii ugu cuslaa, waxaana dagaalka hadda si toos ah uga socda dhulka buuraleyda ah ee Bari, halkaas oo kooxda Daacish ay muddooyinkii u dambeeyay isku uruursatay.

Sarkaal ka tirsan ciidanka difaaca Puntland oo la hadlay warbaahinta ayaa xusay in duqeymaha cirka iyo kuwa dhulka ah ay sii socon doonaan, inta laga ciribtirayo kooxaha Daacish.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 04 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maraykanka oo war ka soo saaray colaadda Tigraay ee Itoobiya

 Wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa ugu baaqday dhammaan...

Al-Burhaan oo gaaray Al-Calamayn, kana qeybgalaya shir madaxeedka

Hoggaamiyaha Golaha Madaxbannaanida KMG ah ee Suudaan, Taliyaha Guud...

DFS oo dhammaystirtay dhismaha Qaybta 26-aad ee Ciidanka Xoogga

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhammaystirtay dib-u-abaabulka Qaybta 26-aad ee...

Soomaaliya oo sheegtay inaysan Itoobiya ka helin wargelin ku saabsan bixitaanka ciidankeeda

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inaysan Itoobiya ka helin wax...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles