Wednesday, March 19, 2025

Adan Madoobe oo Furay Kulanka Banbaxa ee Guddiga Joogtada ah

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa furay kulanka banbaxa ee Guddiga Joogtada Golaha Shacabka oo maanta si rasmi ah u furmay.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka oo furitaanka kulanka banbaxa ee Guddiga Joogtada ka hadlay ayaa ku dheeraaday muhiimada kulankan uu leeyahay, waxaana uu xubnaha guddiga kula dardaarmay in maalmaha kulanka uu socdo ay muhiimad gaar ah siiyaan dejinta shuruucda kulamada Golaha Shacabka kalfadhiga lixaad ee dhowaan furmi doona.

Kulanka banbaxa ee Guddiga Joogtada ah oo sedax maalmood socon doona ayaa inta uu socdo xubnaha guddiga joogtada waxa ay diyaarin iyo jadwaleynba ku sameyn doonaan shuruucda Golaha hortaala kalfadhiga lixaad, waxaana sidoo kale kulanka ka qeyb galay Habdhowraha Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux) iyo Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle Jaabiri.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 18/03/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Gaaray Jiidaha Hore ee Dagaalka Ka Dhanka AS

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ciidamada Qaranka oo Weerar Culus Ku Qaaday Xubno Ka Tirsan AS, Dagaal Xooggan oo Ka Dhacay Sh. Dhexe

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa deegaanka Guullane ayaa...

Qarax ka dhacay muqdisho

Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xoogan oo...

Turkiga oo diyaarado dagaal u soo diraysa Soomaaliya iyo Sababta ka dambeysay

Dowladda Türkiga ayaa qorsheyneysa inay Soomaaliya u soo dirto...

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 17/03/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles