Friday, March 21, 2025

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo ku dhawaaqi doona canshuur kordhin 25% ah

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Axaddii shalay sheegay, in Isniinta maanta ah uu ku dhawaaqi doono canshuur kordhin gaareysa 25%, taas oo uu dul saari doono biraha iyo jaandiga loo soo dhoofiyo Mareykanka.

Trump oo saxafiyiinta kula hadlayay diyaaradda ay raacaan madaxweynayaasha Mareykanka ee Air Force One, ayaa sidoo kale sheegay in uu ku dhawaaqi doono canshuuraha isdhaafsiga ah Talaadada ama Arbacada, si ay u dhaqan galaan ku dhawaad isla markiiba.

Trump, ayaa muddo xileedkiisii koowaad sidaan oo kale boqolkiiba 25 oo canshuur ah saaray biraha halka 10% u uku kordhiyay tacriifta jaandiga ama aluuminiyamta, hase yeeshee marki danbe ka khafiifiyay biraha iyo aluminiyamta ay soo dhoofiyaan Canada, Mexico iyo Brazil.

Trump ayaa Jimcihi ku dhawaaqay in uu sare u qaadi doono canshuurta is dhaafsiga, taas oo kor u qaadi doonto xaddiga tacriifta Mareykanka si ay ula simmaan dhinacyada ay ganacsatada Mareykanka wax is weydaartaan. Todobaadkan ayaa la filayaa in taasi ay billaabato.

WARARKII KALE

MW Xasan Sheekh oo degmada Cadala kula kulmay odayaasha dhaqanka

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo habeenkii 2-aad ku...

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 21/03/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

RW Xamsa” Xukuumadeydu waxay u guuri doontaa jiida hore ee dagaalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa...

DFS oo soo dhaweysay guusha ay gaareen ciidamada Milatariga Sudan

Dowladda Soomaaliya ayaa soo dhoweysey guusha ay gaareen Ciidamada...

Taliye Sahal oo abaabul dagaal ka wada Gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee ku sugan...

NISA oo sheegtay in Al-shabaab badan lagu dilay Sabiid iyo Caanoole

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliya ee NISA,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles