Thursday, July 2, 2026

Sweden oo xukun ku riday nin u safray Daacish-ta Soomaaliya

Maxkamad ku taalla Sweden ayaa Jimcaha maanta ah xukun saddex sano iyo saddex bil oo xabsi ah ku riday nin lagu helay inuu ku biiray kooxda Daacish (IS), taasoo ka dhigaysa kiiskii ugu horreeyay ee lagu xukumo ka mid noqoshada koox argagixiso tan iyo markii la meel mariyay sharci cusub.

Ninkan 22 jirka ah ayaa lagu helay dambi ah “ka qaybgalka urur argagixiso,” maalgelinta argagixisada, iyo saddex mar oo uu u safray dalal shisheeye ujeeddooyin argagixiso darteed, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay maxkamadda.

Maxkamaddu waxay caddeysay in dhammaan eedeymaha loo soo jeediyay ay la xiriireen Daacish, safarraduna ay dhammaantood ahaayeen Soomaaliya.

Waxaa lagu riday saddex sano iyo saddex bil oo xabsi ah.

Kiiskan ayaa ah kiiskii ugu horreeyay ee lagu xukumo “ka qaybgalka urur argagixiso” tan iyo markii baarlamaanka Sweden uu ansixiyay sharcigan sannadkii 2023.

Sweden ayaa xoojineysay shuruucda la dagaallanka argagixisada tan iyo 2017, kadib markii qof u dhashay Uzbekistan oo daacad u ahaa Daacish uu gaari ku jiiray dad marayay waddo mashquul badan oo ku taalla Stockholm, halkaas oo ay ku dhinteen shan qof.

Si kastaba ha ahaatee, sharciga mamnuucaya ka mid noqoshada kooxaha argagixisada ayaa loo baahday in marka hore la beddelo dastuurka Sweden, maadaama uu ka hor imaanayay xorriyadda ururaysiga ee dalkaas.

Ansixinta sharcigan ayaa sidoo kale kusoo aaday xilli Turkiga uu hakad geliyay dadaalladii Sweden ay ku dooneysay inay ku biirto NATO, iyadoo Ankara ay ku adkeysanaysay in Sweden ay tallaabo adag ka qaaddo kooxaha xagjirka ah.

Kadib duullaankii Ruushka uu ku qaaday Ukraine, Sweden waxay soo afjartay laba qarni oo ay ka fogaaneysay isbahaysiyada ciidan, waxayna codsatay inay ku biirto NATO bishii May 2022 – ugu dambeyntiina waxay si rasmi ah xubin uga noqotay Maarso 2024.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 01 07 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Mareykanka oo DFS ka caawinaya dagaalka ay kula jirto AS

Dowaladda Mareykanka aya fariin ku aadan munaasabada1ada luulyo la...

Nigeria oo magdhow ka dalbanaysa Koonfur Afrika

Dowladda Nigeria ayaa sheegtay inay qorshaynayso inay ka dalbato...

Saddex qof oo ugu dhintay Magaalada Mexico dabaal degga Koobka Adduunka

Haweeneey 19 jir ah ayaa kamid ah saddex qof...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay xuska 1-da Luuliyo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka...

Ciidanka Qaranka oo soo bandhigay awood ciidan oo kobcaysa

Ciidamada qalabka sida ayaa maanta soo bandhigay awooddooda ciidan...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles