Wednesday, November 12, 2025

Wasiirka Caafimaadka oo daah-furay  Madallo looga hadlayay Wax Kanqabashada xlada Kansarka ee dalka

.Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya H.E Dr. Ali Haji Adam ayaa si rasmi ah u daahfurey Munaasabadda Ololaha wax ka qabashada xaaladda Kansarka Soomaaliya.

Munaasabadda waxaa ka qeyb galey Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka, Dr. Maryama Maxamed Xuseen, Xildhibaana ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Federaarka Soomaaliya, Safiiro xubno ka socdey Hey’adaha Caalamiga ah ee ka shaqeeya arrimaha Caafimaadka oo ay ka mid yihiin Hey’adda Caafimaadka aduunka ee WHO, Hey’adda King Salam, Qatar Charity, Tika agaasimayaal iyo howl wadeeno ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka XFS, Dhakhaatiir aqoon yahan iyo marti sharaf kale.

Madasha oo aheyd mid heerkeedu aad u sarreeyey waxaa lagu gorfeeyey xaaladda Kanasarka ee dalka iyo sidii wax looga qaban lahaa, maadaama Soomaaliya ay ka mid tahay wadamada muwaadiniinteedu qaar mid ah ay la daalaa dhacayaan xanuunkan sanad kastana uu sii kordhayo tirada dadka uu saameeyo xanuunka oo si guud dunida faraba’an uga haya.

Intii ay socotey Munaasabadda waxaa lagu soo bandhigey daraasado tilmaamayey heerarka kala duwan ee uu marayo guud ahaan dalka, dhamaan khubaradii Madasha ka hadashey ayaa tibaaxey in la gaarey xilligii saxda ahaa ee loo istaagi lahaa wax ka qabashada xaaladda Kansarka.

Munaasabadda waxaa soo qaban qaabisey Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan Barnaamijka Cudurada aan faafin ee (NCD).

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 12 11 2025

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo ku dhawaaqay bilaabashada qeybinta kaararka codbixinta ee Gobolka Banaadir

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa maanta...

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo Go’aano culus ka soo saaray xaalada siyaasadeed ee dalka

Waxaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku soo dhammaaday...

Farmaajo oo ku soo wajahan Muqdisho iyo loolan siyaasadeed uu ka bilaabayo G/Banaadir

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa lagu...

Madaale oo sheegay in Xisbiga MW Xasan Sheekh ee JSP uu qarka u saaran yahay inuu burburo

Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale),...

Madaxweyneyaasha Masar iyo Kenya oo ka wada hadlay xaaladda Soomaaliya iyo Geeska Afrika

Madaxweynaha Masar, Cabdulfataax Al-Sisi, ayaa khadka taleefanka kula hadlay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles