Monday, August 17, 2026

Ciidanka Xoogga iyo AS oo ku dagaalamay Bariga Magaalada Xudur

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed , gaar ahaan Guutada 9-aad ee Qeybta 60-aad, ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaano ku yaalla bariga magaalada Xuddur. Howlgalkan oo ujeedkiisu ahaa ciribtirka dagaalamayaal ka tirsan AS oo ku sugan degaanadaasi.

Waxaana  hoggaaminayay Abaanduulaha Guutada 9-aad, Dhamme Cilmi Aadan Isaaq,

Ciidanku waxay si xeel dheer uga howlgaleen deegaanada Doonfuul, Abagbeeday, Dudumaale, Buulo-Kojoor ilaa Garas, halkaas oo ay sheegeen ciidanku inay Jab ku gaarsiiyeen dagaalamayaasha AS ee ku dhuumaaleysanayay tuulooyinka.

Ciidanka howllgalka kasameeyeen iyada oo la burburiyay goobo ay ku dhuumaaleeysanayeen

Saraakiisha hoggaaminaysay howlgalka ayaa xaqiijiyay in ciidanku ay cagta mariyeen xarumo ay AS isku urursanayeen, taasoo kor u qaadaysa nabadda iyo amniga gobolka.

Dadka deegaanka ayaa si diirran u soo dhoweeyay howlgalkan, iyaga oo muujiyay kalsoonida ay ku qabaan CXDS oo si geesinimo leh ula dagaallamaya AS.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 17 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

MW Xasan Sheekh oo maanta gaaray deegaanka Gelinsoor ee Gobolka Galgaduud

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guda jira...

DF oo shaacisay khasaaraha ka dhashay dagaalkii Baydhabo

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay in abaare 5:00 subaxnimo...

KGS oo ku dhawaaqday in gebi ahaanba la soo Afjaray Weerarkii Baydhabo

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in gebi ahaanba la...

Wasiirka Xasan Eeley oo khawaarij ku tilmaamay Ciidanka Lafta gareen ee weeraray Baydhabo

Wasiirka Xannaanada Xoolaha Soomaaliya, Xasan Xuseen Maxamed (Eeley), ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles