Monday, August 17, 2026

Wasiirka Caafimaadka oo daah-furay ย Madallo looga hadlayay Wax Kanqabashada xlada Kansarka ee dalka

.Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya H.E Dr. Ali Haji Adam ayaa si rasmi ah u daahfurey Munaasabadda Ololaha wax ka qabashada xaaladda Kansarka Soomaaliya.

Munaasabadda waxaa ka qeyb galey Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka, Dr. Maryama Maxamed Xuseen, Xildhibaana ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Federaarka Soomaaliya, Safiiro xubno ka socdey Heyโ€™adaha Caalamiga ah ee ka shaqeeya arrimaha Caafimaadka oo ay ka mid yihiin Heyโ€™adda Caafimaadka aduunka ee WHO, Heyโ€™adda King Salam, Qatar Charity, Tika agaasimayaal iyo howl wadeeno ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka XFS, Dhakhaatiir aqoon yahan iyo marti sharaf kale.

Madasha oo aheyd mid heerkeedu aad u sarreeyey waxaa lagu gorfeeyey xaaladda Kanasarka ee dalka iyo sidii wax looga qaban lahaa, maadaama Soomaaliya ay ka mid tahay wadamada muwaadiniinteedu qaar mid ah ay la daalaa dhacayaan xanuunkan sanad kastana uu sii kordhayo tirada dadka uu saameeyo xanuunka oo si guud dunida farabaโ€™an uga haya.

Intii ay socotey Munaasabadda waxaa lagu soo bandhigey daraasado tilmaamayey heerarka kala duwan ee uu marayo guud ahaan dalka, dhamaan khubaradii Madasha ka hadashey ayaa tibaaxey in la gaarey xilligii saxda ahaa ee loo istaagi lahaa wax ka qabashada xaaladda Kansarka.

Munaasabadda waxaa soo qaban qaabisey Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan Barnaamijka Cudurada aan faafin ee (NCD).

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 17 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

MW Xasan Sheekh oo maanta gaaray deegaanka Gelinsoor ee Gobolka Galgaduud

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guda jira...

DF oo shaacisay khasaaraha ka dhashay dagaalkii Baydhabo

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay in abaare 5:00 subaxnimo...

KGS oo ku dhawaaqday in gebi ahaanba la soo Afjaray Weerarkii Baydhabo

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in gebi ahaanba la...

Wasiirka Xasan Eeley oo khawaarij ku tilmaamay Ciidanka Lafta gareen ee weeraray Baydhabo

Wasiirka Xannaanada Xoolaha Soomaaliya, Xasan Xuseen Maxamed (Eeley), ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles