Qaramada Midoobay oo ka digtay halista colaadda Congo

Saraakiisha ugu sareysa Qaramada Midoobay ee Afrika ayaa ka digay in weerarka fallaagada ay Rwanda taageerto ee bariga Congo, uu khatar ku yahay nabadda guud ahaan gobolka.

Hadalkan ayay saraakiishu ka sheegeen, shir deg deg ahaa oo ay Arbacadi shalay arrintani ka yeesheen xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Bintou Keita oo ah ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Congo ayaa sheegtay, “in ay lagama maarmaan tahay in Golaha Ammaanku qaado tillaabooyin degdeg ah oo go’aan qaadasho ah si loo baajiyo dagaal ballaaran oo ka dhaca mandiqadda.

Huang Xia, ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan gobolka harooyinka waaweyn ee Afrika, oo ay ku jiraan Congo, Burundi, Rwanda iyo Uganda ayaa isna sheegay, in qabsashada magaalooyinka waaweyn ee bariga Kongo ee fallaagada M23 toddobaadyadii la soo dhaafay iyo bayaannada dhinacyada muhiimka ah ay muujinayaan, in khatarta colaadda ka holceysa gobolka ay maanta aad uga halisantahay sidii hore.

Safiirka Faransiiska ee Qaramada Midoobay Nicolas De Riviere ayaa isna ku booriyay Golaha in ay si deg deg ah uu u ansixiyo qaraar qabyo ah oo uu dalkiisu faafiyay laba toddobaad ka hor, kaas oo dib u xaqiijinaya taageerada madaxbanaanida dhuleed ee Kongo.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 01 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Xasan Sheekh oo warqadaha Danjirnimo ka guddoomay Safiirrada Turkiga iyo Midowga Yurub

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa qasriga Madaxtooyada Qaranka...

Wafdiga waan-waanta wada oo la kulmay A/Madoobe

Wafdi qeyb ka ah dadaallada lagu raadinayo xal siyaasadeed...

Turkiga oo si weyn ugu dhex milmay colaadda siyaasadeed ee Soomaaliya

Wakaaladda wararka ee AFP ayaa warbixin ay ka qortay...

Uganda iyo Midowga Yurub oo ka wadahadlay arrinta AUSSOM

Dowladda Uganda ayaa Midowga Yurub kala hadashay mustaqbalka howlgalka...

Mustafe Cagjar oo mar kale loo doortay xilka madaxweynaha deegaanka Soomaalida

Madaxweynaha dowlada deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumed Cumar, ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles