Ciidamada Puntland oo Gacanta Ku Dhigay Saldhiggii Curaar ee Daacish

Ciidamada ammaanka ee Puntland ayaa maanta ku guuleystay in ay la wareegaan saldhigga Curaar, oo ahaa mid kamid ah difaacyadii ugu adkaa ee kooxda Daacish ee gobolka.

Hawlgal qorsheysan oo ay saaka fuliyeen ciidamada Puntland ayaa lagu qaaday fariisimihii Daacish ee deegaankaasi, iyada oo lagu guuleystay in gacanta lagu dhigo saldhigga muhiimka ah ee Curaar.

Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, saldhiggan ayaa ka mid ahaa xarumaha ugu adag ee ay kooxdaasi ku lahayd gobolka, gaar ahaan togga Jeceel oo ay ku xoogganaayeen dagaalamayaashu.

Warar hordhac ah oo laga helayo hawlgalkii saaka ayaa tilmaamaya in ciidamada Puntland ay gebi ahaanba la wareegeen difaacyadii Curaar, halkaas oo ay Daacish horay uga dhisatay saddex difaac oo muhiim u ahaa.

Ciidamada ayaa weli wada baaritaanno amni, waxaana la sheegay in goobta laga helay mootooyin iyo gaadiid burburay oo la rumeysan yahay in ay waxyeello kasoo gaartay duqeymo dhawaanahan lala beegsaday kooxda Daacish.

Qabashada saldhigga Curaar ayaa loo arkaa mid xoojinaysa dagaalka Puntland ay kula jirto Daacish, iyadoo la sheegay in ciidamada ay qabsadeen degaanno hor leh, iyaga oo kaashanaya dowladda Federaalka iyo saaxiibada caalamiga ah sida Mareykanka.

Waxaa la filayaa in howlgalka lagu beegsanayo Daacish uu sii socon doono maalmaha soo socda, iyadoo saraakiishu ay ballan qaadeen in la burburin doono goobaha ay weli ku harsan yihiin dagaalamayaasha kooxdaasi.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 21 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Markab shidaal oo marayay Hormuz ayaa la weeraray

Ururka arrimaha badaha ee UK ee loo ayqaan UKMTO...

Fiqi oo la kulmay wafdi ka socda saraakiil Turkiga ah

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Puntland oo qabatay gaadiid iyo ciidan ka tirsan DF oo galay waqooyiga Gaalkacyo

Maamulka Puntland ayaa saaka kantaroolka waqooyi ee magaalada Gaalkacyo...

KGS oo mamnuucay soo gelinta iyo ka ganacsiga qaadka sharci-darrada ah ee Baydhabo

Maamulka Koofur Galbeed ayaa soo saaray go’aan lagu mamnuucayo...

Maamulka Puntland oo bilaabay laba howlgal oo ka socda buuraha Calmadow iyo xeebaha

Maamulka Puntland ayaa bilaabay laba howlgal oo dhinacyada dhulka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles