Friday, April 10, 2026

Soomaaliya oo 35 kadib ku guulaysatay inay ka baxdo liiska dowladaha lagu leeyahay qaaraanka Golaha Ammaanka

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iskaashiga Caalamiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macallin Fiqi oo ku sugan dalka Mareykanka lana hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya 35-sano ka dib ku guulaysatay inay ka baxdo liiska dowladaha lagu leeyahay qaaraanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Wasiirka Axmed Macallin FiqFi ayaa tilmaamay in Soomaaliya dadaal dheer ka dib ay ku guuleysatay in laga nadiifiyo lacagihii dalka lagu lahaa. Waxaa uu sheegay in bixinta lacagta oo laga dhiibay sanduuqa Soomaaliya ay iska kaashadeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisal Wasaaraha XFS Mudane Xamsa Cabdi Barre, taasi dadaal dheeraad ah galiyey.

Waxaa uu intaasi ku daray arintaan ay kaalin ka qaadaneyso Diblomaasidda xooggan ee Dowladda Soomaaliya ku wajahday siyaasaddaha gudaha iyo Dibadda. Sidoo kale, waxaa uu amaanay doorka Dowladda ay qaadatay 3-dii sano ee la soo dhaafay ee ku aadanaa in Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ay ku guuleysteen in dhul baaxdan weyn ay gacanta kaga dhigeen kooxda Khawaarijta, taasi oo sahashay in dalku ku  talaabsado guullo is daba joog ah.

Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa dhanka kale tilmaamay in dowladaha aanan bixin qaraanka aysan wax cod ah ku yeelan doonin fadhiyada goalaha, sida ku cad liiskaan hoose oo ay ku jiraan dowlado badan.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 09 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

DFS oo sheegtay in duqeyn ka dhacday Mudug lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab

Dowladda Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ka soo saartay duqeyn ka...

Markabka qodista Shidaalka Turkiga oo soo gaaray Muqdisho

Waxaa saaka xeebaha magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista...

Xasan Sheekh, Xamsa iyo Qoor Qoor oo ka shiray doorashada Galmudug

Kulan xasaasi ah ayaa ka dhacay Villa Soomaaliya, kaas...

Askari ka tirsan Puntland oo lagu dilay Gaalkacyo

Wararka laga helayo magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug...

Raysal wasaaraha UK oo ka degay Imaaraadka

Raysal Wasaaraha UK, Keir Starmer, ayaa gaaray Imaaraadka Carabta,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles