Tuesday, November 18, 2025

Weerar ku bilowday qaraxyo oo Al-shabaab ay ku qaadeen deegaano ka tirsan Hiiraan iyo duqeyn saaka ka socota Deegaanka Daaru-nimca

Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maleeshiyaadka Al-shabaab ay weerar ku bilowday qaraxyo ismiidaamin ah ay ku qaadeen deegaano hoostaga degmada Buula Burde ee gobolka Hiiraan oo halkaasi saldhigyo ay ku leeyihiin ciidamada xoogga iyo dadka deegaanka.

Dagaalka ayaa waxaa uu si gaar ah ugu socdaa deegaanka Cadow Gurey oo u dhexeeya deegaanka Aborey iyo degmada Buula Buula Burde ee gobolka Hiiraan.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in dhinacyada ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan, iydoona dhawaqa rasaasta laga maqlayo deegaanada la dul dagaalamayo.

Wararka ayaa sheegaya in qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa uu isku qarxay saldhig ay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka ay ku leeyihiin deegaanka Cadow Gurey.

Deegaanka Cadow Gurey ayaa waxaa shalay tagay Taliyaha Hay’adda Nabad sugida iyo SIrdoonka Qaranka Cabdullaahi Sanbaloolshe iyo Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Yuusuf Daba geed iyo Musharax Liibaan Shuluq, halkaasina waxaa ay ka wadeen guluf dagaal oo dhan ah maleeshiyaadka Al-shabaab.

Ma cadda Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka xiligan ka socda deegaanka.

Dhanka kale diyaarado dagaal ayaa saaka duqeymo ku garaacaya saldhigyo ay maleeshiyaadka Al-shabaab ay ku leeyihiin deegaanka Daaru nimca ee gobolka shabeelada Dhexe.

Juqda duqeymaha ayaa laga maqlay deegaanka waxaana la bartilmaameedsanayaa maleeshiyaadka ka tirsan Al-shabaab oo halkaasi fariisamo ka sameystay.

Duqeyntan ayaa ku soo aaadaysa xili shalay, duleedka degmada Daaru Nimca ay weerar ku qaadeen maleeshiyaadka Al-shabaab.

Deegaanada Hirshabelle ayaa waxaa ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-shabaab, waxaana qeybo ka mid ah ku sugan madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Cali Guudlaawe, waxaa uuna halkaasi ka wadaan guluf dagaal oo xooggan.

WARARKII KALE

RW Xamsa oo Guddoomiyey Shir Lagu Dardar-gelinayo Hawlaha Doorashooyinka Qaranka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo furay Shirweynaha Labaad ee Qiimeynta iyo Kormeerka Qaran

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

Wasiirka deegaanka oo khudbad ka jeediyey madasha sare ee dalalka Hay’adda cimilada QM (UNFCCC COP30)

Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Soomaaliya oo ku baaqday in tallaabo degdeg ah loo qaado joojinta gaajada la xiriirta colaadaha

Danjiraha Soomaaliya ee Qaramada Midoobay, Mudane, Abuukar Daahir Cismaan...

Kenya oo muwaadiniinteeda u xaqiijisay in la xakameeyay weerar dhanka Internetka ah lagu qaaday dhowr wasaaradood

Dowladda Kenya ayaa muwaadiniinta u xaqiijisay in la xakameeyay...

Golaha Ammaanka:-Soomaaliya oo codkeeda ku biirisay dadaalka caalamiga ah ee xasilinta Gaza

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa caawa ansixiyay qaraar...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles