Sunday, August 9, 2026

DF oo sheegtay in duqeyn ka dhacay Ceelbaraf lagu burburiyay gaadiidka qaraxyo oo AS ay diyaarisay.

War ka soo baxay Dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in duqayn ka dhacday gobolka Shabeellaha Dhexe lagu burburiyay gaadiid qaraxo lagusoo raray oo ay wateen maleeshiyaadka  Al-Shabaab.

Duqayn ayaa ka dhacday deegaanno hoos taga degaanka Ceel Baraf ee Shabeellada dhexe, waxaana iska kaashaday Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Ciidamada Mareykanka ee AFRICOM.

Ciidamada Qalabka Sida oo kaashanaya AFRICOM ayaa weli wada qiimeynta natiijada hawlgalka iyo dabagalka bartilmaameedyada kooxda Alshabaab, si loo xaqiijiyo badqabka shacabka iyo adkaynta amniga deegaannada la xoreeyay.

Dowladdu waxay qoraalkaan ku sheegtay in aysan wax tanaasul ah ka geli doonin dagaalka ka dhanka ah waxay ugu yeertay kooxaha Khawaarijta ee caqabadda ku ah nabadda Soomaaliya.

Qoraalka ayaa u qornaa sidan:-

Ciidamada Xoogga iyo kuwa ciidamada deegaanka ayaa maanta dib ula wareegay deegaanka Ceel Cali Axmed, oo maalmo ka hor ay qabsadeen maleeshiyaadka Al-shabaab.

Ciidanka  dowladda ka hor inta aysan qabsan deegaanka ayaa waxaa ka dhacday duqeymo lala beegsaday goobo ay ku sugnaayeen Al-shabaab, waxaana saraakiisha howlgalka hoggaaminaysay ay sheegayaan in duqeymahaas ay geysteen khasaare kale duwan oo soo gaaray Al-shabaab.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 08 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Imaaraadka oo sheegay in Iran gantaal ku dhufatay markab ay lahaayeen

Imaaraadka Carabta (UAE) ayaa Sabtidii ku dhawaaqay in markab...

Puntland oo sheegtay in ay la wareegtay xero ciidan oo ku taalla Carmo

Maamulka Puntland ayaa sheegay in maanta ay ‘si rasmi...

Deni oo gaaray Gaalkacyo kadib markii uu ka adkaaday Ciidankii PSF

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa gaaray magaalada Gaalkacyo...

Ciidamo cusub oo ka mid noqonaya Gorgor oo tababar loogu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Sahal...

NISA oo Muqdisho ku qabatay xubno ka tirsanaa Al-shabaab

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa gacanta...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles