Monday, September 1, 2025

Duqeyn ka dhacday Biya Cadde oo lagu dilay Maleeshiyaad badan oo ka tirsan Al-shabaab

War saxaafadeed ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in duqeyn ka dhacday deegaanka Biya Cadde ee Gobolka Shabeelada Dhexe lagu dilay maleeshiyaad badan oo ka tirsan Al-shabaab.

โ€œCiidanka Qaranka oo kaashanaya Saaxiibada Caalamka ayaa deegaanka Biya Cadde ee Gobolka Shabellaha Dhexe ka fuliyay howlgal duqeyn ah oo lagu dilayย  44 xubnood oo isugu jira Horjoogeyaal iyo Maleeshiyaad ka tirsanaa Khawaarijta.โ€ Ayaa lagu yiri qoraalka.

Qoraalka ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa qornaa sidan;-

CIIDAMADA QARANKA OOย  KAASHANAYA SAAXIIBADA CAALAMKA OO HOWLGAL LAGU LAAYAY HORJOOGAYAAL IYO MALEESHIYAAD KHAWAARIJ AH KA FULIYAY HIRSHABEELLE.

Muqdisho, 02, Maarso, 2025: Ciidanka Qaranka oo kaashanaya Saaxiibada Caalamka ayaa deegaanka Biya Cadde ee Gobolka Shabellaha Dhexe ka fuliyay howlgal duqeyn ah oo lagu dilayย  44 xubnood oo isugu jira Horjoogeyaal iyo Maleeshiyaad ka tirsanaa Khawaarijta.

Howlgallada oo dhacay xalay iyo saaka ayaa marar kala duwan lagu beegsaday Khawaarijta oo baxsad ka ahaa geesiyaasha qaranka, waxaana sidoo kale la burburiyay ilaa saddex gaadiid oo ahaa nooca dagaalka ah oo ay wateen Khawaarijta.

Ciidanka Qaranka oo kaashanaya saaxiibada caalamka iyo geesiyaasha deegaanka ayaa sii wada howlgalka lagu ciribtirayo haraadiga kooxaha Khawaarijta ah.

-DHAMMAAD

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 31/08/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Guddoomiye Muungaab oo 48-saac u qabtay inay ku dhammayso shirkada dhisaysa wadada Soobe ee Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Maxkamadda Ciidamada oo Xukun Dil ah ku Riday Ex Dable NISA Maxamed Buulle Muumin

Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta...

Madasha Samatabixinta: โ€œDoorashada uu Xasan Sheekh ka wado Banaadir waa sharci darro halis lehโ€

Warsaxaafadeed ka soo baxay madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa waxaa...

DFS oo ku dhawaaqday in la dhameystiray dhismaha DG Waqooyi Bari

Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaarada arrimaha gudaha ee Xukuumadda...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles