Imaaraadka Carabta oo gaadiid dagaal ku wareejisay Puntland.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa Puntland ugu deeqday in ka badan 100 gaadiidka oo ah kuwa dagaalka , kuwaas oo  laga soo saaray dekedda magaaladda Boosaaso.

Gaadiidkaan ayaa kusoo aaday xili Puntland ay dagaal kula jirto kooxda Daacish kaas oo ka socda buuralayda Calmiskaad.

Imaaraadka Carabta ayaa xoojiyay taageeradda tooska ah ee Puntland uu siinayo tan iyo intii uu dagaalkaan bilowday.

Gaadiidkan dagaal ayaa ka qeyb qaadan doono howlgal dagaal ee ka socda deegaanada ka tirsan Buuraleyda Cali-miskaad ee Gobolka Bari.

Imaaraadka Carabta ayaa waxaa ay ka qeyb qaataan duqeynta lala beegsanayo maleeshiyaadka Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa Buuraleyda Cali-Miskaad ee gobolka Bari.

Dhowr Jeer oo hore diyaaradaha dagaalka Imaaraadka Carabta ayaa fuliyay duqeymo lala beegsaday saldhigyada Daacish ay ku leeyihiin Buuraleyda Cali-Miskaad.

Gobolka Bari ayaa waxaa ka socda dagaal ka dhan ah maleeshiyaadka Al-shabaab

WARARKII KALE

Ra’iisul Wasaare Abiy: “Itoobiya kama tanaasulayso helitaanka marin badeed”

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa sheegay in dalkiisu...

Xasan Sheekh oo sheegay in Al-Shabaab aysan mar Kale Dalka gacanta ku dhigi Karin

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in dagaalka...

Erdogan oo shaaciyay in Turkiga ay Soomaaliya ka bilowday Dhismaha Xarun Hawada Sare

Madaxweynaha Türkiye, Recep Tayyip Erdoğan, ayaa sheegay in dalkiisa...

 Loollan Siyaasadeed iyo Dhaqdhaqaaq Ciidan oo Markale ka bilowday Beled-Xaawo

Loollan siyaasadeed iyo dhaqdhaqaaq ciidan oo u dhexeeya Dowladda...

Iran oo hanjabaad u diray Mareykanka

Ali Abdollahi, oo ah Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 05 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles