Ciidamada Xoogga iyo kuwa dadka deegaanka u gudaha u galay qeybo ka mid ah Ceelbaraf.

War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in ciidamada Xoogga Dalka iyo dadka degaanka ay gudaha u galeen qeybo ka mida degmada Ceelbaraf, Sh/Dhaxe halkaasi oo maalmihii ugu danbeeyay ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka Al-shabaab.

Ciidanka dowladda iyo kuwa degaanka ayaa laba jiho ka galay degmada Ceelbaraf, iyadoo dhanka Hiiraan ay kasoo galeen ciidanka deegaanka, halka dhanka Sh/Dhexe ay ka galeen ciidanka Xoogga Dalka.

Arrintan ayaa keentay in ciidamada ay u suurtagashay in ay gudaha u galaan, iyadoona la soo werinaya in rasaas weli laga maqlayo degaanada ku dhow dhow Ceelbaraf.

Ilaa xalay waxaa socday duqeymo lagu garaacay degmada Ceelbaraf, oo lala beegsaday maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab iyo halka gantaalada qaar ay ku dhaceen guryaha ay leeyihiin dadka deegaanka degmada Ceelbaraf.

Duqeymaha ku socday Ceelbaraf ayaa keenay inay gubtaan qaar ka mida xaafadaha magaalada, waxaana saaka duqeyntaasi ku dhintay haweeney shacab ah oo La sheegay inay alaab kasoo qaadan rabtay gurigeeda, sidoo kale waxaa ku dhaawacmay qof kale.

Qabashada degmada Ceelbaraf ayaa ka dambeysay kadib markii maalmihii la soo dhaafay olole guluf dagaal ah oo ay qaadeen ciidamada dowladda iyo gurmadyo ka kala yimid Hiiraan iyo Mudug.

WARARKII KALE

Ra’iisul Wasaare Abiy: “Itoobiya kama tanaasulayso helitaanka marin badeed”

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa sheegay in dalkiisu...

Xasan Sheekh oo sheegay in Al-Shabaab aysan mar Kale Dalka gacanta ku dhigi Karin

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in dagaalka...

Erdogan oo shaaciyay in Turkiga ay Soomaaliya ka bilowday Dhismaha Xarun Hawada Sare

Madaxweynaha Türkiye, Recep Tayyip Erdoğan, ayaa sheegay in dalkiisa...

 Loollan Siyaasadeed iyo Dhaqdhaqaaq Ciidan oo Markale ka bilowday Beled-Xaawo

Loollan siyaasadeed iyo dhaqdhaqaaq ciidan oo u dhexeeya Dowladda...

Iran oo hanjabaad u diray Mareykanka

Ali Abdollahi, oo ah Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 05 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles