Tuesday, August 11, 2026

Maxamed Cabdi Xasan oo loo yaqaano Afweyne oo maanta ka mid noqday golaha shacabka

Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa maanrta  lagu qabtay doorashada kursiga tirsigiisu yahay HOP 248, kaasi oo ka mid ahaa kuraasta ka banaaneyd Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Doorashada kursigaan sumadiisu tahay HOP 248 oo deegaan doorashadiisu tahay Cadaado waxaa ku guuleystay Maxamed Cabdi Xasan oo loo yaqaano Afweyne oo ka guuleystay musharaxii la tartamay oo lagu magacaabo Sahro Xasan Cabduule.

Guddigga doorashooyinka oo ku dhawaaqay natiijada doorashada ayaa sheegay in Maxamed Cabdi Xasan oo uu helay codad gaaraya 80, halka Sahra ay heshay 10 cod.

Kursigaan waxaa horay ugu fadhiyay oo xubinnimadii golaha shacabka ku waayay qabashada xilka Agaasime ku xigeenka hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA Saadaq Cumar Xasan, Saadaq Joon.

Xildhibaankan cusub ee maanta la doortay ayaa dhawaan uun laga soo daayay xabsi ku yaala dalka Biljimka uu ku xirnaa mudo 12 sano, isagoona u xirnaa inuu ka mid ahaa hoggaamiyaasha kooxaha burcad badeeda Soomaalida.

“Waxaan si weyn uga mahadcelinaya Xildhibaanada, wasiirada, guddoonka, waxaan kalo balan qaadaya inaan si wanaagsan ugu shaqeyn doono kursigaan ay si gaar ah igu soo doorteen dadka aan matalo, waana ku faraxsanahay iney ii doortaan kursigaan” ayuu yiri Xildhibaanka cusub Maxamed Cabdi Xasan Afweyne.

Maalmaha soo aadan ayaa la filayaa in ay qabto doorashada kursiga tirsigiisu yahay HOP 049 oo uu horay ugu fadhiyay Mustaf Dhuxulow oo loo magacaabay Agaasimaha Hay’adda Socdaalka Jinsiyadaha.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 11 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

RW Xamsa oo hambalyo u diray Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka ee BFS

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa...

Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo loo doortay Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Xildhibaan Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa maanta loo doortay...

Ciidamada Itoobiya oo ka baxay Buurhakaba

Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika...

Laftagareen oo Nairobi kula kulmay Madaxweyne Ku-xigeenka Jubbaland

Madaxweynihii hore ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan...

Xildhibaanada Baarlamaanka oo Maanta Dooranaya Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles