Monday, September 1, 2025

Golaha wasiirada oo mamnuucay in hub lala galo garoonka Muqdisho

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu guddoominayey Raโ€™iisul Wasaare Ku-xigeenka ahna Ku-simaha Raโ€™iisul Wasaaraha XJFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa looga hadlay dardargelinta dagaalka Khawaarijta, bogaadinta guulaha ciidanka, iyaga oo soo saaray goโ€™aanno dhowr ah oo la xiriira amniga.

Goโ€™aanno culus ee ay soo saareen Golaha Wasiirrada ayaa ku wajahan dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed, kuwaas oo inta badan ka ratibmi doonaan tallaabooyin sharci iyo ciqaabo kala duwan.

Goโ€™aannada uu goluhu soo saaray waxaa ay kala yihiiin sidan

1-Golaha Wasiirradu waxa ay bogaadiyeen Ciidamada Qalabka Sida iyo geesiyaasha Ciidamada Madaniga ee dagaalka kula jira kooxaha Khawaarijta ah.

2-Sida sharciyadii iyo xeerarkii horay u marey Golaha Wasiirrada ku xusan, waxaa muwaadiniinta mar kale la xusuusinayaa inay mamnuuc tahay in si khaldan loo isticmaalo ama been abuur laga sameeyo, si toos ah amaba si dadban , iyada oo la isticmaalayo warbaahinta kala duwan oo baraha bulshada ay ka mid yihiin, qofkii lagu helana lala tiigsan doono tallaabooyin sharciga waafaqsan oo ay ka mid yihiin in maxkamad la soo taago, ciqaab adag oo sharciga waafaqsanna la marin doono.

3-Waxaa taa la mid ah muwaadinkii u oggolaada gurigiisa, rugtiisa ganacsi iyo gaadiidkiisa in lagu fuliyo fal dembiyeed amniga wax u dhimaya , waxa ay ka dhigan tahay adigoo si buuxda uga qeyb qaatey falal argagixisanimo oo wax u dhimaya nabadgelyada Qaranka, sida ku xusan xeerka ka hortagga iyo la dagaallanka argagixisada. Waxaa falalkan ka dhalan-doona ciqaab adag oo waafaqsan sharciga iyo xukunno adag oo la mid ah kuwa lagu qaado argagixisada. iyada oo tallaabooyinka ay laamaha amniga qaadi doonaan ay ka mid yihiin la wareegista iyo qarameynta hantida lagu geystay falalka argagixisonimo.

4- Sidan horeyba ugu digi jirnay shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan degaannada iyo tuulooyinka ay ka socdaan hawlgalada lagu sifeynayo argagixisada, waxaa mar kale DFS ay uga digeysaa shacabka inay ka fogaadaan kana taxaddaraan goobaha ay argagixisada Khawaarijta ku sugan yihiin, maadaama ay DFS goโ€™aansatay in sare loo qaado hawlgallada cirka iyo dhulka ee ka dhan ah Khawaarijta banneysatey dhiigga shacabka.

5- Ugu dambeyn Amniga Garoonka- Waxaa la goโ€™aamiyay in aan wax hub iyo gaadiid dagaal lala geli karin xeyndaabka Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho. Faahfaahin sida qodobkan loo fulinayo waxaa dhowaan soo saari doona laamaha amniga.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 31/08/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Guddoomiye Muungaab oo 48-saac u qabtay inay ku dhammayso shirkada dhisaysa wadada Soobe ee Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Maxkamadda Ciidamada oo Xukun Dil ah ku Riday Ex Dable NISA Maxamed Buulle Muumin

Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta...

Madasha Samatabixinta: โ€œDoorashada uu Xasan Sheekh ka wado Banaadir waa sharci darro halis lehโ€

Warsaxaafadeed ka soo baxay madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa waxaa...

DFS oo ku dhawaaqday in la dhameystiray dhismaha DG Waqooyi Bari

Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaarada arrimaha gudaha ee Xukuumadda...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles