Tuesday, July 1, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo digniintii amni ee Mareykanka ku tilmaamay mid Al-shabaab

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Salaadda Jimcada kula tukaday masuuliyiinta Dowladda iyo shacabka, Masaajidka Shuhadada ee Madaxtooyada Qaranka, ayaa ka hadlay xaaladda dalka iyo dagaalka ka dhanka argagixisada ee ka socda deegaanada ka tirsan Hirshabelle.

Madaxweynaha ayaa soo bandhigay guulaha muhiimka ah ee Halyeeyada Ciidamada Qaranku ay ka soo hoynayaan howlgallada xoreynta dalka, isagoo xusay in shacabka Soomaaliyeed iyo dowladdooda aysan u joojin doonin dacaayadaha iyo beenta ay dhoodhoobayaan argagixisadu.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in wararka maalmahan socda ee la xiriira in Al-Shabaab ay Muqdisho ka geysanayaan weeraro ay yihiin Borobagaando ay sameysatay Al-shabaab iyagoo helay dad Soomaali ah iyo kuwa Ajnabi ah oo fariintooda gudbiya

“Magaalada Muqdisho ayadoo Qaraxyadu ka dhacayaan, Saraakiisha Dowladda maalin walba ladilo ayaan la joojin jirin Duulimaadyada oo ay maalin walba imaan jireyn maxeey tahay Qatarta maanta dhacday oo Diyaaradaha loo joojiyay”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

“Dalkaan khatar kama jiro, mana jirto degmo horay loo xoreeyey oo AS dib nooga qabsatay, cir iyo dhul ayaan ka duqaynaynaa, Ma aqbaleeyno siyaasiyiinta iyo Dowladaha shisheeye ee Dadkeena Cabsi Galinaayo”

Hadalka Madaxweynaha ayaa jawaab u ah digniin ay soo saartay Safaarada Mareykanka ee Muqdisho taasi oo sheegeysay in Al-shabaab ay qorsheynayaan weeraro qaraxyo ah oo ay ka fuliyaan goobo ay kamid yihiin Garoonka Aadan Cade.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 30/06/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

RW dalka Qatar oo kulan la qaatay Madaxweynaha Soomaaliland

Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Qatar Sheikh...

Shir lagu heshiisiinayo beelo ku dagaalamay G/Sh/Dhexe oo maanta ka furmay degmada Warsheekh

Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur iyo Wasiirka...

RW Xamsa “Mustaqbalka Soomaaliya oo Barwaaqo ah waxaa uu ku jiraa Horumarinta dhaqaalaha Buluugga ah”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, oo...

Wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya oo la kulamaya Madaxda dalka Tanzania

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga,...

Puntland iyo saraakiisha Ciidamada Badda Midowga Yurub oo shir xasaasi ah ku yeeshay Boosaaso

Ciidanla Booliska dowladda Puntland iyo Ciidamada Badda Midowga Yurub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles