Sunday, December 21, 2025

Xildhibaanada golaha shacabka ee BF oo ka dooday sharciga ka hortaga lacag dhaqida iyo maalgelinta argagixisada

Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa yeeshay kalfadhiga lixaad kulankiisa afaraad, waxaana shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu wehliyo guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Ugu horeyn Habdhowraha Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux) ayaa dhaariyay xildhibaan Maxamed Cabdi Xasan (Afweyne) oo ka mid noqday Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Intaasi ka dib Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Xasan Macalin Maxamuud ayaa mudanayaasha Golaha u aqriyay heshiiska u dhaxeeya dowladdaha Soomaaliya iyo Turki ee ku saabsan iskaashiga caalamiga ah ee garsoorka, muhiimada heshiiskan iyo danaha qaranka ugu jira isagoo xusay in heshiiskan uu yahay mid muhiim ah oo wax badan ka bedeli doona shaqada garsoorka Soomaaliya.

Dhanka kale Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee XFS  Biixi Iimaan Cige ayaa mudanayaasha Golaha Shacabka la wadaagay warbixinta akhrinta labaad ee hindise sharciyeedyada kala ah sharciga wax ka bedelka sharciga ka hortaga ka hortaga lacag dhaqida iyo maal gelinta argagixisada iyo hindise sharciyeedka Canshuurta Dakhliga, waxaana xildhibaanadda Golaha ay aragtidooda ka dhiibteen labadan sharci ee ay soo gudbisay Wasaaradda Maaliyadda, iyagoo dooda ku saleeyay muhiimada uu qaranka u leeyahay iyo hadii ay jiraan qodobo khilaaf keeni kara.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in guddiga maaliyadda ee Golaha Shacabka laga doonayo iney warbixinta Akhrinta sedaxaad ku soo daraan talooyinka iyo dooda Xildhibaanada isla markaana Golaha ku so celiyaan labadaan sharci.

WARARKII KALE

Dowladda Federaalka oo ka fiirsanaysa in ay jawaabto go’aannadii ka soo baxay Shirka Kismaayo

Kadib go’aannadii ka soo baxay Shirka Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed...

Wafdi ka socda DFS oo Qaahira ugu Qayb galay Shirka Iskaashiga Ruushka iyo Afrika

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya,...

Maraykanka oo markabkii labaad ka qabsaday xeebaha Venezuela

Mareykanka ayaa gacanta ku dhigay markab shidaal oo dhawaan...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 20 12 2025

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Mucaaradka oo ku dhawaaqay dowlad kale inay dhisayaan haddii MW Xasan Sheekh uu wadahadalo furi waayo bil gudaheed

War saxaafadeed ayaa laga soo saaray shirka Golaha mustaqbalka...

DFS oo hakisay waxbarashada sabab la xiriirta doorashooyinka

War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles