Wednesday, June 17, 2026

Wararkii ugu dambeeyay duqeymo xalay ka dhacay deegaano ka tirsan G/Sh/Dhexe

Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duqeymo xalay Al-shabaab lagula beegsaday deegaanado ka tirsan gobolka Shabeelada Dhexe.

Duqeymaha ayaa waxaa ay ka dhaceen deegaanada kala ah Daaru-nimca iyo Al-Kowthar ee ka wada tirsan Gobolka Shabeelada dhexe.

Ilaa labo gantaal ayaa lagu dhuftay xubno ka tirsan kooxda Al shabaab oo ku suganaa Degaanka Daaru-Nimca ee gobolka Sh/dhexe

Khasaare dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay duqeyntan sida ay sheegayaan wararkii ugu dambeeyay, iyadoona weli si sax ah loo helin tirade maleeshiyaadka lagu khaarijiyay.

Sidoo kale duqeyn labaad ayaa waxaa lala beegsaday gaari ay saarnaayeen maleeshiyaadka Al-shabaab, kaasi oo marayay meel u dhow deegaanka Al-Kowthar, waxaa la soo sheegayaa in xubnihii saarnaa gaariga gabi ahaanba ay halkaasi ku geeriyoodeen,sida ay sheegayaan dadka deegaanka.

Duqeymahan ayaa ku soo aadaya xili kol sii horeysay Duqayn diyaarad lagula beegsaday xubno ka tirsan Al-shabaab  gudaha degaanka Ceel-Bacad, waxaana duqaynta lagu dilay sarkaal ka mid ahaa kooxda oo lagu magacaabi jiray Yuusuf Dhignaas.

Abaabul dagaal oo xoog badan ayaa ka socda  gobolka Shabeelada dhexe kaasoo lagu wajahayo duulaanka ay kooxda al shabaab soo qaaday oo ay dib ugu soo laabatay degaano badan oo horey looga saaray, waxaana abaabulkaas wada dowlada Somalia iyo beelaha gobolka dega..

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 16 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweynaha Hirshabelle oo daahfuray qorshaha horumarinta labaad ee dowlada Hirshabelle

Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe)...

Siddeed qof oo ku dhimatay diyaraad ku burburtay Maraykanka

Siddeed qof oo ay ku jiraan laba ka mid...

DFS oo war ka soo saartay safarka Ciro ee Israa’iil iyo Safaarada Qudus

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa walaac xooggan ka muujisay...

Falastiin oo si kulul u Cambaareysay Safaaradda Somaliland ee Qudus laga Furay

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Falastiin ayaa si adag u...

Xiisadda ka taagan Doorashada Galmudug oo sii xoogeysayay

Waxaa markale cirka isku shareertay xiisadda siyaasadeed ee u...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles