Sunday, December 21, 2025

Wararkii ugu dambeeyay duqeymo xalay ka dhacay deegaano ka tirsan G/Sh/Dhexe

Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duqeymo xalay Al-shabaab lagula beegsaday deegaanado ka tirsan gobolka Shabeelada Dhexe.

Duqeymaha ayaa waxaa ay ka dhaceen deegaanada kala ah Daaru-nimca iyo Al-Kowthar ee ka wada tirsan Gobolka Shabeelada dhexe.

Ilaa labo gantaal ayaa lagu dhuftay xubno ka tirsan kooxda Al shabaab oo ku suganaa Degaanka Daaru-Nimca ee gobolka Sh/dhexe

Khasaare dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay duqeyntan sida ay sheegayaan wararkii ugu dambeeyay, iyadoona weli si sax ah loo helin tirade maleeshiyaadka lagu khaarijiyay.

Sidoo kale duqeyn labaad ayaa waxaa lala beegsaday gaari ay saarnaayeen maleeshiyaadka Al-shabaab, kaasi oo marayay meel u dhow deegaanka Al-Kowthar, waxaa la soo sheegayaa in xubnihii saarnaa gaariga gabi ahaanba ay halkaasi ku geeriyoodeen,sida ay sheegayaan dadka deegaanka.

Duqeymahan ayaa ku soo aadaya xili kol sii horeysay Duqayn diyaarad lagula beegsaday xubno ka tirsan Al-shabaab  gudaha degaanka Ceel-Bacad, waxaana duqaynta lagu dilay sarkaal ka mid ahaa kooxda oo lagu magacaabi jiray Yuusuf Dhignaas.

Abaabul dagaal oo xoog badan ayaa ka socda  gobolka Shabeelada dhexe kaasoo lagu wajahayo duulaanka ay kooxda al shabaab soo qaaday oo ay dib ugu soo laabatay degaano badan oo horey looga saaray, waxaana abaabulkaas wada dowlada Somalia iyo beelaha gobolka dega..

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 20 12 2025

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Mucaaradka oo ku dhawaaqay dowlad kale inay dhisayaan haddii MW Xasan Sheekh uu wadahadalo furi waayo bil gudaheed

War saxaafadeed ayaa laga soo saaray shirka Golaha mustaqbalka...

DFS oo hakisay waxbarashada sabab la xiriirta doorashooyinka

War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay Shirka ka socda Kismaayo

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si faahfaahsan uga...

Wararkii ugu dambeeyay shirka ka socda Kismaayo

Shirka Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa galay maalintii saddexaad, iyadoo...

Xuska 82 sano guuradii ka soo wareegatay as aaska ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo maanta lagu qabanayo Muqdisho

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles