Xildhibaanada golaha shacabka ee BFS oo anisixiyay hindise sharciyeedyo muhiim ah

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kalfafhiga lixaad kulankiisa 7-aad ku yeeshay xarunta Golaha Shacabka, waxaana shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu wehliyo Guddoomiye Kuxigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Guntanka ama kooramka kulanka oo ku furmay 143-xildhibaan ayaa ajendihiisa waxa uu ahaa akhrinta sedaxaad iyo u codeynta hindise sharciyeedka sharciga hay’adaha maaliyadda, akhrinta sedaxaad iyo u codeynta hindise sharciyeedka shirkadaha caymiska iyo akhrinta sedaxaad iyo u codeynta sharciga wax ka bedelka Sharciga Ka-hortaga Lacag dhaqida iyo Maalgelinta Argagixisada.

Ugu horeyn mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyay sharciga wax ka bedelka sharciga ka hortaga lacag dhaqida iyo maalgelinta Argagixisada, waxaana ogolaatay 141-xildhibaan laba Xildhibaanna waa ay ka aamustay.

Sidoo kale mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyay hindise sharciyeedka sharciga hay’adaha maaliyadda, waxaana ogolaatay 142, hal xildhibaanna waa uu aamusay.

Ugu dambeyn mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyay hindise sharciyeedka shirkadaha caymiska, waxaana ogolaatay 142-xildhibaan, hal xildhibaan ayaa diiday wax ka aamusay ma jirin.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige ayaa xildhibaanadda Golaha Shacabka uga mahadceliyay ansixinta hindise sharciyeedyadan oo uu sheegay in ay muhiim u yihiin horumarinta nidaamka maaliyadeed ee dalka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa xildhibaanadda Golaha Shacabka ku bogaadiyay shaqada ay qaranka u hayaan, waxa uuna sheegay in kulamada guud ee Golaha la hakiyay inta ka dhiman bisha barakeysan ee Ramadaan.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 12 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Ukraine oo wajahaysa ‘jiilaalkii ugu adkaa’ tan iyo markii Ruushku kusoo qaaday duullaanka baaxadda leh

Ukraine ayaa wajahaysa "jiilaalkeedii ugu adkaa" tan iyo markii...

Xukunka Askari Jante Dartiis u dilay Muwaadin

Dable Xoogga Maxamuud Axmed Faarax Kabtan Dhashiike, ayaa lagu...

Madaxweynahe xasan sheekh oo daahfuray barnaamijka abuur iyo sannad-tacliimeedka 2026/2027 ee waxbarashada sare ee dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo guddoomiyey kulanka xisaabtanka sanadlaha ah ee Xukuumadda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre...

Shir madaxeedka dalalka BRICS oo doodiisa ay hareeyeen go’aamada masaxweyne Trump

Mareykanku ma aha xubin ka tirsan ururka BRICS, balse...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles