Friday, March 21, 2025

MW Deni oo ganacsada kala hadlay la dagaalanka kooxda Daacish.

Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kulan la qaatay Ganacsatada Puntland, Kulanka waxaa ku weheliyay Madaxweynaha, Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Mudane Maxamed Baari Shire, Goleyaasha Puntland , Rugta Ganacsiga, Maamulka Gobolka Bari, Kan degmada Boosaaso, Saraakiisha Amniga iyo Ganacsato.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay Ganacsatada warbixin ku saabsan halka uu marayo Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland iyadoo ujeedku yahay in Argagixisada laga sifeeyo Puntland .

“Ujeedku waa in Argagixisada laga sifeeyo Buuraha Calmiskaad iyo Calmadow, Argagixisadii dadka buuraha kasoo handadi jiray wa u jedaan Ciidankeena buuraha ugu dhacay” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

“Muhiimada Kulanku waxay aheyd Maanta wixii ka danbeeya dhegdheer in ay dhimatay in aan isu sheegno, Cabsi danbe jirin, lacag danbe aan la bixin, qofna uusan isu soo kiin humbaaleyn karin!” Ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Madaxweynaha ayaa boggaadiyey bulshada Puntland isku duubnida iyo garab istaaga ay muujiyeen intii hawlhalka socday, isagoo xusay in ganacsatadu kaalintooda qaataan oo guulaha la gaaray isbedelkoodu uu ka muuqdo magaalooyinka, horumarka, ganacsiga iyo bilicda dalka.

WARARKII KALE

MW Xasan Sheekh oo degmada Cadala kula kulmay odayaasha dhaqanka

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo habeenkii 2-aad ku...

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 21/03/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

RW Xamsa” Xukuumadeydu waxay u guuri doontaa jiida hore ee dagaalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa...

DFS oo soo dhaweysay guusha ay gaareen ciidamada Milatariga Sudan

Dowladda Soomaaliya ayaa soo dhoweysey guusha ay gaareen Ciidamada...

Taliye Sahal oo abaabul dagaal ka wada Gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee ku sugan...

NISA oo sheegtay in Al-shabaab badan lagu dilay Sabiid iyo Caanoole

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliya ee NISA,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles