Saturday, June 13, 2026

Maxey Ka Wada Hadlen Cali Guudlawe iyo Mr. Richard H. Riley.

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Ali Gudlawe Hussein oo waqti kooban dib ugu soo laabtay xafiiskiisa ayaa shir fogaan arag ah waxa uu la qaatay Danjiraha Dowladda Mareykanka u joogo Soomaaliya Mr. Richard H. Riley.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay howlgalka dabar-goynta Khawaarijta ee ka socdo Hirshabeelle kaas oo cashar loogu dhiggay argagixisada.

Safiirka Dowladda Mareykanka Amb. Richard oo uu wehliyo Col. Norris madaxa isku-duwaha kooxda howgalka Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle xilli uu ku jiro xaalad dagaal oo adag inuu aqbalo kulankan.

Sidoo kale Safiirka ayaa xusay inay garab taagan yihiin oo ay kala shaqeynayaan Hirshabeelle sidii looga nadiifin lahaa haraadiga argagixisada waxa kale uu tilmaamay inay ka taageeri doonaan dhinacyada Milatariga iyo Bini’aadanimada.

Dowladda Mareykanka ayaa ku bogaadisay Madaxweynaha Hirshabeelle hoggaamintiisa iyo abaabulkiisa ku aadan dagaalka

“Waqti adag ayaad garab istaag inoo muujiseen, waan idin kaga mahadcelinayaa xiriirka aad nala soo sameyseen. Kaalin weyn ayaad ku leedihiin dagaalka socdo waxaadna waqti geliseen sidii Hirshabeelle ay xor ku noqon laheyd.”

Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa xusay cid walba oo xilligan garab istaagto inaysan iloobi doonin.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 13 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Koofur galbeed oo soo saartay go’aano amni oo lagu sugayo Baydhabo

Hoggaamiyaha maamulka Koofur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe)...

Madaxweynaha Somaliland oo beri tagaya Israa’iil

Warbaahinta Israa’iil ayaa sheegtay in Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed...

Kenya oo Ka Hortagay Weerar Al-Shabaab Ku Qaadday Saldhig Ku Yaalla Mandheera

Ciidamada ammaanka Kenya ayaa ka hortagay weerar habeenimo oo...

FBI-da Oo Gacanta Ku Dhigtay Soomaali Lagu Eedeeyay Musuqmaasuq Ka Badan $4 Milyan

Hay’adda Baarista Federaalka Mareykanka ee FBI-da ayaa shaacisay inay...

22 dal oo digniin wadajir ah u diray Iiraan`

Labaatan iyo laba dal, oo ay ku jiraan Mareykanka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles