RW Xamsa oo booqday dhaawacyada Ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa caawa booqday dhaawacyada Ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka ee ay waxyeelladu ka soo gaartay dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha AS ah ,ee ku jira Isbitaalada xoogga iyo Erdogan (Ex Digfeer)

Ra’iisul Wasaaraha, oo mid mid u booqday, una kor istaagay qaar kamid ah ciidamada difaaca Qaranka u dhaawacmay, ayaa ka xogwareystay xaaladdooda caafimaad, isaga oo Alle uga baryey in uu siiyo caafimaad deg-deg ah oo ay kaga soo kabtaan dhaawaca soo gaaray, wuxuuna ku dhiirrigeliyay adkeysiga iyo dadaalka ay ugu jiraan difaaca dalka iyo ciribtirka kooxda AS ah.

“Waxaa guuleystay qofkii dila AS ama ay dilaan, sida uu Rasuullku sheegay waa qolo diinta si khaldan u fahmay, waxaan rabnaa in ciidamada qalabka sida iyo kuwa deegaanka ay helaan isbitaallo casri ah oo lagu baxnaaniyo maadama uu dalkeennu dagaal adag kula jiro kooxo kasoo horjeeda nabadda iyo xasilloonida dhowaanna dalkiina iyo dadkiinna oo nabad ah ayaa idiin abaalgudi doona”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Mudane Xamsa, ayaa xusay in Xukuumadda DanQaran ay mar walba garab u tahay halyeeyada naftooda u huraya diinta, dadka iyo dalkooda, si ay uga u ciribtiraan argagixisada u taaggan daadinta dhiigga ummadda Soomaaliyeed.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 27 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan wadatashi ah la qaatay xubno ka tirsan bulshada rayidka ah

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed...

Golaha wasiirada oo ansixiyay Miisaaniyadda Sanadka 2027-ka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay...

Madaxa hore ee FBI-da Maraykanka oo markii saddexaad wajahaya dacwado heer federaal ah

Waaxda Caddaaladda Mareykanka ayaa dacwado cusub ku soo oogtay...

DFS”Gaadiid qaraxyo laga soo buuxiyay aya lagu weeraray ciidamada”

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war ka soo saartay dagaal...

Golaha Mustaqbalka oo ku kala aragti duwan martiqaadka Xasan Sheekh

Xubnaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ee mucaaradka ayaa xalay kulan...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles