Maxey Ka Wada Hadlen Cali Guudlawe iyo Mr. Richard H. Riley.

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Ali Gudlawe Hussein oo waqti kooban dib ugu soo laabtay xafiiskiisa ayaa shir fogaan arag ah waxa uu la qaatay Danjiraha Dowladda Mareykanka u joogo Soomaaliya Mr. Richard H. Riley.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay howlgalka dabar-goynta Khawaarijta ee ka socdo Hirshabeelle kaas oo cashar loogu dhiggay argagixisada.

Safiirka Dowladda Mareykanka Amb. Richard oo uu wehliyo Col. Norris madaxa isku-duwaha kooxda howgalka Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle xilli uu ku jiro xaalad dagaal oo adag inuu aqbalo kulankan.

Sidoo kale Safiirka ayaa xusay inay garab taagan yihiin oo ay kala shaqeynayaan Hirshabeelle sidii looga nadiifin lahaa haraadiga argagixisada waxa kale uu tilmaamay inay ka taageeri doonaan dhinacyada Milatariga iyo Bini’aadanimada.

Dowladda Mareykanka ayaa ku bogaadisay Madaxweynaha Hirshabeelle hoggaamintiisa iyo abaabulkiisa ku aadan dagaalka

“Waqti adag ayaad garab istaag inoo muujiseen, waan idin kaga mahadcelinayaa xiriirka aad nala soo sameyseen. Kaalin weyn ayaad ku leedihiin dagaalka socdo waxaadna waqti geliseen sidii Hirshabeelle ay xor ku noqon laheyd.”

Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa xusay cid walba oo xilligan garab istaagto inaysan iloobi doonin.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 27 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan wadatashi ah la qaatay xubno ka tirsan bulshada rayidka ah

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed...

Golaha wasiirada oo ansixiyay Miisaaniyadda Sanadka 2027-ka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay...

Madaxa hore ee FBI-da Maraykanka oo markii saddexaad wajahaya dacwado heer federaal ah

Waaxda Caddaaladda Mareykanka ayaa dacwado cusub ku soo oogtay...

DFS”Gaadiid qaraxyo laga soo buuxiyay aya lagu weeraray ciidamada”

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war ka soo saartay dagaal...

Golaha Mustaqbalka oo ku kala aragti duwan martiqaadka Xasan Sheekh

Xubnaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ee mucaaradka ayaa xalay kulan...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles