RW Xamsa oo booqday dhaawacyada Ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa caawa booqday dhaawacyada Ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka ee ay waxyeelladu ka soo gaartay dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha AS ah ,ee ku jira Isbitaalada xoogga iyo Erdogan (Ex Digfeer)

Ra’iisul Wasaaraha, oo mid mid u booqday, una kor istaagay qaar kamid ah ciidamada difaaca Qaranka u dhaawacmay, ayaa ka xogwareystay xaaladdooda caafimaad, isaga oo Alle uga baryey in uu siiyo caafimaad deg-deg ah oo ay kaga soo kabtaan dhaawaca soo gaaray, wuxuuna ku dhiirrigeliyay adkeysiga iyo dadaalka ay ugu jiraan difaaca dalka iyo ciribtirka kooxda AS ah.

“Waxaa guuleystay qofkii dila AS ama ay dilaan, sida uu Rasuullku sheegay waa qolo diinta si khaldan u fahmay, waxaan rabnaa in ciidamada qalabka sida iyo kuwa deegaanka ay helaan isbitaallo casri ah oo lagu baxnaaniyo maadama uu dalkeennu dagaal adag kula jiro kooxo kasoo horjeeda nabadda iyo xasilloonida dhowaanna dalkiina iyo dadkiinna oo nabad ah ayaa idiin abaalgudi doona”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Mudane Xamsa, ayaa xusay in Xukuumadda DanQaran ay mar walba garab u tahay halyeeyada naftooda u huraya diinta, dadka iyo dalkooda, si ay uga u ciribtiraan argagixisada u taaggan daadinta dhiigga ummadda Soomaaliyeed.

WARARKII KALE

Ukraine oo wajahaysa ‘jiilaalkii ugu adkaa’ tan iyo markii Ruushku kusoo qaaday duullaanka baaxadda leh

Ukraine ayaa wajahaysa "jiilaalkeedii ugu adkaa" tan iyo markii...

Xukunka Askari Jante Dartiis u dilay Muwaadin

Dable Xoogga Maxamuud Axmed Faarax Kabtan Dhashiike, ayaa lagu...

Madaxweynahe xasan sheekh oo daahfuray barnaamijka abuur iyo sannad-tacliimeedka 2026/2027 ee waxbarashada sare ee dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo guddoomiyey kulanka xisaabtanka sanadlaha ah ee Xukuumadda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre...

Shir madaxeedka dalalka BRICS oo doodiisa ay hareeyeen go’aamada masaxweyne Trump

Mareykanku ma aha xubin ka tirsan ururka BRICS, balse...

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya iyo madaxweynaha Iran oo ka wadahadlay arrinta Badda Cas

Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa wadahadallo la yeeshay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles