Ururka Xamaas ayaa si rasmi ah u aqbalay hindisihii soo jeedinta madaxweyne Biden ee ahaa xabad joojin iyoΒ in Israaβiil iyo Xamaas ay is weydaarsadaanΒ la heystayaal iyo qodobbo kale, arrintaan ayaa u muuqa mid hoos u dhigeysa xaaladda Gaza.
Masβuuliyiinta Ururka Xamaas ayaa Reueters u sheegay, in Xamaas ay ka laabatay dalabkeedi hore ee ahaa, in marka hore Israaβiil aqbasho ka bixintaannka dhulka Gaza, kaas oo keenay in Israel dhankooda ay ka biyo diidaan dalabka Xamaas.
Dhan kalena Ugu yaraan 16 qof oo Falastiiniyiin ah ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay weerar cirka ah oo ay ciidamada Israβil Sabtidi ku bartilmaameedsadeen dhisme iskuul oo ay ku noolyihiin qoysas barakac ah bartamaha Gaza.
Saraakiisha caafimaadka Falastiin ayaa sheegay in madaafiicda cirka ee lagu garaacay iskuulka Al Nuseyrat ay sidoo kale ku dhaawacmeen in ka badan 50 ruux oo Falastiiniyiin ah. Israβil ayaa weerarka ku sheegtay mid ay ku bartilmaameedsatay malleeshiyaadka.
Milatariga Israβil waxay sheegeen in ay taxaddir dheeraad ah muujiyeen ka hor inta aysan weerarka fulinin, si bay yiraahdeen ay u yareeyaan khasaaraha rayidka, isla markaana u duqeeyaan malleeshiyo ay ku sheegeen in ay aaggaasi kasoo weerareyeen. Hase yeeshee Xamaas ayaa beenisay in dagaalyahannadeedu aysan halkaasi joogin.