Xili maanta ay tahay maalinta koowaad ee Ciidul fidriga madaxdii hore ee Soomaaliya iyo kuwa Maamul goboleedyada ayaa waxaa ay hambalyo u aadan munaasabada ciida ay u jeediyeen shacabka Soomaaliyeed.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay dhammaan ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan bilashada bisha Soonfur iyo munaasabadda qiimaha badan ee Ciidul Fidriga.
Farmaajo ayaa ku boorriyay dhammaan shacabka Soomaaliyeed in ay istaakuleeyaan oo garab istaagaan dadkeenna danyarta ah, si dhammaanteen aynu u dareenno farxadda ciidda, taasoo qeyb ka ah acmaasha wanaagsan ee Alle ina faray.
Halka Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu isna hambalyo u diray Ciidamada qalabka sida, wuxuuna u sheegay in ciidamada ay waqtigooda ku qaateen difaaca dalka, isagoo xusay in ciidamada qaarkood aysan helin fursad ay kula ciidaan carruurtooda iyo qoysaskooda.
Sidoo kale waxaa uu shacabka Soomaaliyeed ku boorriyay in garab istaag loo muujiyo qoysaska danyarta ah sib u yiri looga farxiyo munaasabada ciida.
R/Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali kheyre ayaa dhankiisa Shacabka ka dalbaday in munaasabadda Ciidda awgeed ay ka qeyb qaataan farxad-gelinta iyo kaalmeynta danyarta Soomaaliyeed ee duruufaha nolosha ay ku heystaan daafaha dalka.
Dhanka kale madaxda dowlad goboleedyada ayaa iyaguna hambalyo u diray shacabka Soomaaliyeed, waxaana ka mid ah madaxdaasi madaxweyneyaasha maamulada Puntland, Galmudug, Koofur Galbeed, Hirshabelle iyo Jubbaland.
Sanad walba marka la gaaro bishan oo kale ayaa si weyn loogu dabaal degayaa guud ahaan Soomaaliya.