Thursday, April 30, 2026

Madaxdii hore ee Soomaaliya iyo hoggaamiyeyaasha dowlad goboleedyada oo hambalyo u diray Shacabka

Xili maanta ay tahay maalinta koowaad ee Ciidul fidriga madaxdii hore ee Soomaaliya iyo kuwa Maamul goboleedyada ayaa waxaa ay hambalyo u aadan munaasabada ciida ay u jeediyeen shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay dhammaan ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan bilashada bisha Soonfur iyo munaasabadda qiimaha badan ee Ciidul Fidriga.

Farmaajo ayaa ku boorriyay dhammaan shacabka Soomaaliyeed in ay istaakuleeyaan oo garab istaagaan dadkeenna danyarta ah, si dhammaanteen aynu u dareenno farxadda ciidda, taasoo qeyb ka ah acmaasha wanaagsan ee Alle ina faray.

Halka Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu isna hambalyo u diray Ciidamada qalabka sida, wuxuuna  u sheegay in ciidamada ay waqtigooda ku qaateen difaaca dalka, isagoo xusay in ciidamada qaarkood aysan helin fursad ay kula ciidaan carruurtooda iyo qoysaskooda.

Sidoo kale waxaa uu shacabka Soomaaliyeed ku boorriyay in garab istaag loo muujiyo qoysaska danyarta ah sib u yiri looga farxiyo munaasabada ciida.

R/Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali kheyre ayaa dhankiisa Shacabka ka dalbaday in munaasabadda Ciidda awgeed ay ka qeyb qaataan farxad-gelinta iyo kaalmeynta danyarta Soomaaliyeed ee duruufaha nolosha ay ku heystaan daafaha dalka.

Dhanka kale madaxda dowlad goboleedyada ayaa iyaguna hambalyo u diray shacabka Soomaaliyeed, waxaana ka mid ah madaxdaasi madaxweyneyaasha maamulada Puntland, Galmudug, Koofur Galbeed, Hirshabelle iyo Jubbaland.

Sanad walba marka la gaaro bishan oo kale ayaa si weyn loogu dabaal degayaa guud ahaan Soomaaliya.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 29 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

DFS oo sheegtay in horjooge sare iyo xubno kale lagu dilay G/Sh/Hoose

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in dagaal iyo duqeymo ka...

Janan oo abaabul ciidan ka wada Beledxaawo

Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee Jubaland,...

Wafdi ka socda Q.M oo gaaray Baydhabo

Hogaamiyaha ku-meel gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed...

Mucaaradka iyo Xubnaha Beesha Caalamka oo ka sharaya arrimaha doorashooyinka

Kulanka muhiimka ah ee u dhexeeya Golaha Mustaqbalka Soomaaliya...

Pakistan oo cadaadis diblumaasiyadeed saaraysa sii deynta badmaaxayaal lagu afduubtay xeebaha Soomaaliya

Dowladda Pakistan ayaa xoojisay dadaallada diblumaasiyadeed iyo kuwa badeed...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles