Sunday, June 1, 2025

Guddoomiye Aadan Madoobe Muxuu ka yiri dilkii loo geystay taliyihii Guutada 14 October

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ka tacsiyeeyay geerida Taliyihii Guutadda 14ka-October Gaashaanle Sare Nuur Maxamed Gaabow (Nuur Farey) oo lagu dilay deegaan ku yaala inta u dhaxeysa Degmadda Afgooye iyo deegaanka Laanta-buuro ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in Allaha ha u naxriistee taliyaha uu ahaa sarkaal firfircoon oo kaalin mug leh ku lahaa dagaalka dalka looga ciribtirayo Khawaariijta sidoo kalena uu ku suntanaa hogaamin firfircoon ayna ka go’neyd la dagaalanka Khawaariijta.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa Allaha ha u naxriistee Taliyihii Guutadda 14-October Gaashaanle Sare Nuur Maxamed Gaabow (Nuur Farey) alle SWT uga baryay inuu naxriistiisa jano ka waraabiyo, dhamaan ehelkiisa, qaraabadiisa iyo sidoo kale qaranka Soomaaliyeed na uu samir iyo iimaan ka siiyo.

WARARKII KALE

Israa’iil oo wasiirrada Carabta ka hor istaagtay inay tagaan Gaza

Dowladda Israa’iil ayaa lagu soo warramayaa in ay dhowr...

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 31/05/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Xildhibaano Cusub oo maanta lagu doortay Jowhar

Waxaa xarunta Baarlamaanka Hirshabeelle lagu qabtay doorasho dib-u-buuxin ah...

Puntland oo sheegtay in gacanta lagu dhigay Taliskii ugu weynaa ee Daacish ku laheyd Ceelka Miraale

Ciidanka Difaaca Puntland ayaa gacanta ku dhigay Taliskii ugu...

Dhisme ku dumay Degmada Howlwadaag iyo Dad Badan oo Khasaaro soo gaaray

Inta la xaqiijiyay in Seddex qof ayaa geeriyootay halka...

Duqeyn lala beegsaday saldhig ay Al-shabaab ku leeyihiin Shabeelada Hoose iyo Jubbada Dhexe

Diyaarado dagaal ayaa duqeymo waxaa ay ka fuliyeen deegaano...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles