Tuesday, August 18, 2026

Banaanbax looga soo horjeedo Trump oo ka socda Mareykanka

Dibadbaxayaal aad u fara badan ayaa isugu soo baxay magaalooyinka dalka Mareykanka si ay u cambaareeyaan madaxweyne Trump, mudaaharaadyadii ugu ballaarnaa ee dalka oo dhan ka dhaca tan iyo markii uu madaxweynaha xilka qabtay bishii Janaayo.

Hal-ku-dhigga mudaaharaadyada oo ah “Hands Off” ayaa waxaa uu qorshaha ahaa in la qabto isu soo baxyada 1,200 goobood, oo ay ku jiraan dhammaan 50-ka gobol ee Mareykanka. Kumanaan qof ayaa isugu soo baxay Boston, Chicago, Los Angeles, New York iyo Washington DC, iyo magaalooyin kale.

Dibad-baxayaashu waxay soo xiganayeen cabashooyin ku saabsan ajendaha Trump sida arrimaha bulshada iyo dhaqaalaha.

Maalmihii la soo dhaafay waxaa socotay hadal haynta iyi dhaleeceynta tallaabada Trump ee canshuuraha taas oo xitaa aad u saameysay dadka Mareykanka.

Xigasho:-BBC

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 17 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

MW Xasan Sheekh oo maanta gaaray deegaanka Gelinsoor ee Gobolka Galgaduud

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guda jira...

DF oo shaacisay khasaaraha ka dhashay dagaalkii Baydhabo

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay in abaare 5:00 subaxnimo...

KGS oo ku dhawaaqday in gebi ahaanba la soo Afjaray Weerarkii Baydhabo

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in gebi ahaanba la...

Wasiirka Xasan Eeley oo khawaarij ku tilmaamay Ciidanka Lafta gareen ee weeraray Baydhabo

Wasiirka Xannaanada Xoolaha Soomaaliya, Xasan Xuseen Maxamed (Eeley), ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles