Tuesday, August 18, 2026

Madaxweynaha Uganda oo ku soo wajahan Muqdisho

Madaxweynaha Dalka Uganda Yowere Museveni ayaa la qorsheynaya in maalmaha soo aaddan uu soo gaaro Magaalada Muqdisho si uu wadahadal ula yeesho Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Lama sheegin waqtiga rasmiga ah uu imaan doono magaalada Muqdisho, talaabadan ayaa ka dambeysay kadib markii Madaxweyne Xasan Sheekh uu dhiggiisa Uganda ku casuumay magaalada Muqdisho si uu yimaado Muqdisho, kadib markii shalay dalka Uganda uu tagay Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha Dalka Uganda ayaa aqbalay casuumada uu u fidiyay madaxweyne Xasan Sheekh, isagoona sheegay inuu maalmaha soo aadan uu imaan doono magaalada Muqdisho.

Labada madaxweyne ayaa  shalay ku heshiiyay 12 qodob oo dan ugu jirta labada dowladood ee Soomaaliya iyo Uganda, waxaana ugu weyn.

In Beesha caalamka loogu baaqay taageerada dhaqaale ee ciidamada Midowga Afrika AUSSOM.

In 25-ka bishan April ay shir isugu yimaadaan Dalalka ciidamada ka joogaan Soomaaliy

Iyo dhaqangelinta heshiiska milateri ee Somalia iyo Uganda hore u gaareen.

Dowladda Uganda ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga in ka badan 6,000 oo askari kuwaasoo la dagaallamayay  Al-Shabaab laga soo bilaabo tan iyo sanadkii 2007-dii.

Ugandha ayaa ciidamo u soo dirtay Soomaaliya sanadkii 2007 waxay sidoo kale u dirtay Soomaaliya 7 cutub oo ka tirsan ilaalada UN-ka si ay u ilaaliyaan howlaha UN-ka tan iyo 2014. waana waddankii ugu horreeyay ee ciidamo AMISOM usoo dira Soomaaliya.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 17 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

MW Xasan Sheekh oo maanta gaaray deegaanka Gelinsoor ee Gobolka Galgaduud

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guda jira...

DF oo shaacisay khasaaraha ka dhashay dagaalkii Baydhabo

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay in abaare 5:00 subaxnimo...

KGS oo ku dhawaaqday in gebi ahaanba la soo Afjaray Weerarkii Baydhabo

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in gebi ahaanba la...

Wasiirka Xasan Eeley oo khawaarij ku tilmaamay Ciidanka Lafta gareen ee weeraray Baydhabo

Wasiirka Xannaanada Xoolaha Soomaaliya, Xasan Xuseen Maxamed (Eeley), ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles