Tuesday, July 1, 2025

Madaxweynaha Uganda oo ku soo wajahan Muqdisho

Madaxweynaha Dalka Uganda Yowere Museveni ayaa la qorsheynaya in maalmaha soo aaddan uu soo gaaro Magaalada Muqdisho si uu wadahadal ula yeesho Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Lama sheegin waqtiga rasmiga ah uu imaan doono magaalada Muqdisho, talaabadan ayaa ka dambeysay kadib markii Madaxweyne Xasan Sheekh uu dhiggiisa Uganda ku casuumay magaalada Muqdisho si uu yimaado Muqdisho, kadib markii shalay dalka Uganda uu tagay Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha Dalka Uganda ayaa aqbalay casuumada uu u fidiyay madaxweyne Xasan Sheekh, isagoona sheegay inuu maalmaha soo aadan uu imaan doono magaalada Muqdisho.

Labada madaxweyne ayaa  shalay ku heshiiyay 12 qodob oo dan ugu jirta labada dowladood ee Soomaaliya iyo Uganda, waxaana ugu weyn.

In Beesha caalamka loogu baaqay taageerada dhaqaale ee ciidamada Midowga Afrika AUSSOM.

In 25-ka bishan April ay shir isugu yimaadaan Dalalka ciidamada ka joogaan Soomaaliy

Iyo dhaqangelinta heshiiska milateri ee Somalia iyo Uganda hore u gaareen.

Dowladda Uganda ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga in ka badan 6,000 oo askari kuwaasoo la dagaallamayay  Al-Shabaab laga soo bilaabo tan iyo sanadkii 2007-dii.

Ugandha ayaa ciidamo u soo dirtay Soomaaliya sanadkii 2007 waxay sidoo kale u dirtay Soomaaliya 7 cutub oo ka tirsan ilaalada UN-ka si ay u ilaaliyaan howlaha UN-ka tan iyo 2014. waana waddankii ugu horreeyay ee ciidamo AMISOM usoo dira Soomaaliya.

WARARKII KALE

MW hore Farmaajo oo shacabka ugu hambalyeeyay 1-da Luulyo ee maalinta xorriyadda

Madaxweynihii hore ee  Soomaaliya, Mohamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa shacabka...

Falastiiniyiin ku dhintay duqeyn ay Israa’iil ka geysatay Gaza

Ugu yaraan 20 Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay weerar...

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 30/06/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

RW dalka Qatar oo kulan la qaatay Madaxweynaha Soomaaliland

Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Qatar Sheikh...

Shir lagu heshiisiinayo beelo ku dagaalamay G/Sh/Dhexe oo maanta ka furmay degmada Warsheekh

Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur iyo Wasiirka...

RW Xamsa “Mustaqbalka Soomaaliya oo Barwaaqo ah waxaa uu ku jiraa Horumarinta dhaqaalaha Buluugga ah”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, oo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles