Thursday, April 30, 2026

Dagaal markale saaka ka socda deegaanka Aboorey ee G/Hiiraan

Dagaal culus ayaa saakay markale dib uga qarxay deegaanka Abooreey ee gobolka Hiiraan, kaasoo u dhaxeeya ciidamada xoogga iyo kuwa dadka deegaanka oo dhinac iyo kuwa Al-shabaab.

Dagaalka ayaa bilaawday kadib markii maleeshiyaadka Al-shabaab ay weerar rogaal celis ah ay ku qaadeen deegaanka Aboorey, iyadoona weli la maqlayo dhawaqa rasaasta labada dhinac, sida ay xaqiijinayaan dadka deegaanka.

Ma cadda Khasaaraha ka dhashay dagaalka, inkastoo la soo werinayo in labada dhinac uu soo gaaray khasaare, balse tiro koob sax ah aan la heli karin, maadaama uu weli socdo dagaalka.

Shalay deegaanka Aboorey waxaa gaaray Taliyaha ciidamada xoogga Gen Odawaa Yuusuf Raage, isagoo ka tagay degmada Aadan Yabaal, wuxuuna halkaasi u tagay si uu u dhiiri geliyo ciidamada xoogga iyo kuwa dadka deegaanka.

Dagaalkii shalay ayaa waxaa ku geeriyooday Taliyahii ururka 163aad ee ciidamada Danab Asad Cusman Afrax oo ahaa Taliya Ciidanka Danab, qaybta Galmudug.

Sidoo kale Al-shabaab ayaa waxaa dagaalka loogu dilay in ka badan 20 xubnood oo ka tirsanaa Horjoogayaal iyo maleeshiyaad badan oo ka tirsanaa kooxdaasi.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 29 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

DFS oo sheegtay in horjooge sare iyo xubno kale lagu dilay G/Sh/Hoose

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in dagaal iyo duqeymo ka...

Janan oo abaabul ciidan ka wada Beledxaawo

Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee Jubaland,...

Wafdi ka socda Q.M oo gaaray Baydhabo

Hogaamiyaha ku-meel gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed...

Mucaaradka iyo Xubnaha Beesha Caalamka oo ka sharaya arrimaha doorashooyinka

Kulanka muhiimka ah ee u dhexeeya Golaha Mustaqbalka Soomaaliya...

Pakistan oo cadaadis diblumaasiyadeed saaraysa sii deynta badmaaxayaal lagu afduubtay xeebaha Soomaaliya

Dowladda Pakistan ayaa xoojisay dadaallada diblumaasiyadeed iyo kuwa badeed...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles