MW Xasan Sheekh”“Ciidamadeennu waxay naftooda u hureen difaaca dalkeenna iyo badbaadinta mustaqbalka jiilasha soo socda

Madaxweynaha dowladda  Federaalka Soomaaliya  Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray qeybaha, talisyada iyo darajooyinka kala duwan ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo maanta ay ku beegan tahay xuska 65 guurada aas-aaska Ciidanka Xoogga Dalka.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay guulaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ka gaareen dagaalka ka dhanka argagixisada iyo deegaannada ay ka xoreeyeen, isagoo bogaadiyey naf-hurnimadooda iyo sida ay uga go’an tahay in ay dalkooda difaacaan, kana sifeeyaan argagixisada ku soo duushay.

“Ciidamadeennu waxay naftooda u hureen difaaca dalkeenna iyo badbaadinta mustaqbalka jiilasha soo socda. Mudadii la soo dhaafay, waxay guulo muhiim ah ka gaareen la-dagaallanka argagixisada, iyagoo xoreeyay deegaano badan oo muhiim ah, isla markaana jab xoogan u geystay kooxaha nabad-diidka ah”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa muujiyey dadaalka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan tayeynta, qalabaynta iyo kor u qaadidda nolosha Ciidanka Xoogga Dalka, waxa uuna shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay sii laba jibaaraan taageerada hagar la’aanta ah ee ay la garab taagan yihiin ciidanka Soomaaliyeed.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 11 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweynaha Iiraan oo war weyn ka sheegay shirka BRICS

Madaxweynaha Iiraan Mas’uud PezeshkianXigashada Sawirka,ReutersQoraalka sawirka,Madaxweynaha Iiraan Mas’uud PezeshkianKhudbaddii...

Deni oo tababar u soo xiray ciidan cusub oo ka mid noqonaya ciidanka Puntland

Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta tababar...

Ciidamada Danab iyo Jubbaland oo Hawlgal ka Fuliyay Jubbada Hoose

Ururka 162-aad ee Guutada 16-aad Kumaandooska Danab, oo kaashanaya...

Xuutiyiinta oo ku andacoonaya inay la wareegeen saldhigyo u dhow Bab- al-Mandab

Sida ay sheegtay wakaaladda wararka dowladda Iran ee IRNA,...

Iran oo ku baaqday in la qaado go’doominta Yemen oo la bilaabo wadahadal

Subaxnimadii Jimcaha, 10-ka Sebtembar, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles