Muqdisho oo loogu soo dhaweeyey Diyaaradda Egypt Air (Sawiro)

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo iskaashisha Caalamiga ah ee XFS Axmed Macalin Fiqi ayaa maanta Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Masar Badar Cabdulcaadi oo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho.

Wasiir Fiqi oo Shir-Jaraa’id qabtay ayaa faah faahiyay muhiimadda ay tallaabadan u leedahay xoojinta xiriirka labada dal, isagoo xusay in bilaabista duullimaadyadan tooska ah ay qayb ka qaadanayso xoojinta iskaashiga dhaqaale iyo ganacsi ee Wadanka.

Wasiirka ayaa sidoo kale soo hadal qaaday doorka hormuudka ah ee Masar ay ka ciyaareyso taageeridda mowqifka dowladda Soomaaliya, isagoo carabka ku adkeeyay in Masar ay sii wadi doonto ka hortagga tallaabooyin kasta oo hoos u dhigaya madax-banaanida dalka.

“Jamhuuriyadda Masar ayaa ku celisay mowqifkeeda diidmada xadgudubyada Itoobiya, kaddib wadahadal toddobaadkii hore khadka taleefonka ku dhaxmaray Madaxweynaha JFS Dr. Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa Masar, Abdel Fattah El-Sisi.” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Duulimaadka Tooska ah ee diyaaradda Egypt Air ee la daahfuray ayaa ka dhigan tallaabo weyn oo loo qaaday dhanka sare u qaadida iskaashiga dhaqaale ee labada dal, taasoo ka tarjumaysa himilooyinka guud ee labada shacab ee walaalaha ah.

WARARKII KALE

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Muqdisho kula kulmay Wasiirka UK u qaabilsan Afrika

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Muqdisho kulan kula...

Iiraan oo u jawaabtay Mareykanka hal su’aal na weydiisay

Ku xiigeenka Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Kazem Gharibabadi, ayaa...

Caruur ku geeriyooday dab ka kacay isbitaal ku yaala Pakistan

Dab ayaa ka kacay qaybta cusub ee dhallaanka ee...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 25 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Taliyaha Booliska Nigeria “Nabad la’aanta Soomaaliya waxay saameyneysaa Nigeria”

Taliyaha Cutubka Booliska Nigeria ee howlgalka Midowga Afrika ee...

Ciidamada Kenya oo ka hortagay weerar Al-Shabaab ay ka geysteen xuduudda Soomaaliya

Ciidamada Difaaca Kenya (KDF) oo roondo ka waday deegaanka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles