Friday, March 14, 2025

Muqdisho oo loogu soo dhaweeyey Diyaaradda Egypt Air (Sawiro)

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo iskaashisha Caalamiga ah ee XFS Axmed Macalin Fiqi ayaa maanta Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Masar Badar Cabdulcaadi oo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho.

Wasiir Fiqi oo Shir-Jaraa’id qabtay ayaa faah faahiyay muhiimadda ay tallaabadan u leedahay xoojinta xiriirka labada dal, isagoo xusay in bilaabista duullimaadyadan tooska ah ay qayb ka qaadanayso xoojinta iskaashiga dhaqaale iyo ganacsi ee Wadanka.

Wasiirka ayaa sidoo kale soo hadal qaaday doorka hormuudka ah ee Masar ay ka ciyaareyso taageeridda mowqifka dowladda Soomaaliya, isagoo carabka ku adkeeyay in Masar ay sii wadi doonto ka hortagga tallaabooyin kasta oo hoos u dhigaya madax-banaanida dalka.

“Jamhuuriyadda Masar ayaa ku celisay mowqifkeeda diidmada xadgudubyada Itoobiya, kaddib wadahadal toddobaadkii hore khadka taleefonka ku dhaxmaray Madaxweynaha JFS Dr. Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa Masar, Abdel Fattah El-Sisi.” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Duulimaadka Tooska ah ee diyaaradda Egypt Air ee la daahfuray ayaa ka dhigan tallaabo weyn oo loo qaaday dhanka sare u qaadida iskaashiga dhaqaale ee labada dal, taasoo ka tarjumaysa himilooyinka guud ee labada shacab ee walaalaha ah.

WARARKII KALE

MW Xasan Sheekh oo soo xiray Tartanka Quraanka Kariimka ah ee Bisha Barakaysan ee Ramadaan

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo soo xiray Tartanka...

RW Xamsa oo Boqolaal Dadweyne ah Kula Afuray Suuqa Bakaaraha

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay lataliyaha sare ee arrimaha difaaca

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Taliyaha Booliiska oo qabtay kulan looga hadlayey la dagaalanka AS

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi...

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 13/03/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Madaxii Drones-ka ee Daacish oo lagu dilay Buuraleyda Cali-miskaad ee G/Bari

War ka soo baxay Taliska Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada Puntland...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles